Qarax geystay khasaaro kala duwan oo ka dhacay suuqa Bakaaraha

August 15, 2013 - Written by Editor

Muqdisho:-Wararka naga soo gaaraya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in goordhow qarax uu ka dhacay gudaha suuqa Bakaaraha gaar ahaan wadada labaad wuxuuna qaraxu ka dhacay meel aan ka fogeyn Shirkada Dahabshiil.

Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya qaraxa goordhow ka dhacay agagaarka Shirkada Xawaalada ee Dahabshiil dadka qaar ayaa sheegaya in ilaa afar ruux ay ku dhaawacmeen qaraxa oo uu ku jiro ganacsade caan ka ah suuqa Bakaaraha.

Qaraxan oo aan noociisa la ogeyn ilaa haatan ayaa warar hordhac ah waxay sheegayaan in uu ahaa gaari noociisa uu yahay Marke2 oo lagu xiray walxaha qarxa.

Sarkaal ka tirsan maamulka Degmada Howlwadaag oo la hadlay saxaafada ayaa xaqiijiyey in uu qarax ka dhacay Suuqa Weyn ee Bakaaraha.

Wararkii ugu danbeeyey oo ay heshay Halgan.net ayaa sheegaya in Bam gacmeed lagu tuuray gaari uu watay Ganacsade caan ah oo lagu magacaabo Xuseen Goleey waxaana soo gaaray dhaawac.

A/Cawale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
August 2013
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
262728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online