Qof rayid ah oo xalay lagu dilay magaalada Hargeysa ee xarunta S/land.

August 24, 2013 - Written by Editor

Hargeysa:-Waxaa xalay fiidkii lagu dilay magaalada Hargeysa ee xarunta Somaliland wiil dhalinyaro ah waxaana dilay nin afka soo duubtay oo aan heybtiisa la garan.

Sida dadweyne ka ag dhawaa goobta lagu dilay wiilka dhalinyarada ah ay sheegeen dhagarqabaha ayaa bistoolad madaxa kaga dhuftay wiilka dhalinyarada ah waxaana ay toogashadu ka dhacday xaafada Siinaay.

Ciidamad amaanka ee magaalada Hargeysa ayaa goobta soo gaaray waxaana ay xireen dhamaan wadooyinka iyaga oo baaritaano ku sameynayey gawaarida sida gaarka ah loo leeyahay.

Dadweynaha ku dhaqan magaalada Hargeysa ayaa saaka waxay aad u hadal hayaan dilka xalay ka dhacay xaafada Siinaay iyaga oo ka cabsi qaba in magaalada Hargeysa loo soo xawilo dilalka qorsheysan oo ay geystaan kooxaha amniyaadka ee Al-Shabaab balse ilaa haatan lama oga cida ka danbeysa wiilka dhalinyarada ah ee xalay lagu dilay Hargeysa.

Cabdi Yare
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
August 2013
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
262728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online