Ra’iisul Wasaaraha DFS oo kormeeray xarunta Bankiga dhexe.[masawiro]

August 29, 2013 - Written by Editor

IMG_8054Muqdisho:-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid), ayaa saaka kormeer ku tegay xarunta Bankiga dhexe ee Soomaaliya, halkaasoo ay ka soconeyso bixinta mushaaraadka shaqaalaha rayidka ee hay’addaha dawladda, sida Wasaaraddaha, iyo hay’addaha.

Mashruucan mushaarbixinta oo ay iska kaashanayaan dawladda Soomaaliya iyo dawladda Norway ayaa waxaa fulinaya Wasaaradda Maaliyadda waxaana loo adeegsanayaa qaab casri ah, waana markii ugu horeysay oo qaabkan loo adeegsanayo Teknolojiyada casriga ah oo ay ku dhantahay xogta shaqsiga (Bio metric System), wuxuuna Ra’iisul Wasaare Saacid mid mid u galay xafiisyada iyo goobaha ay howshu ka soconeysay, iyadoo xilligaasi safaf dhaadheer ay ku jireen qaar ka mid ah shaqaalaha dawladada oo qaadanayay mushaarka.

Kormeerkan Ra’iisul Wasaaraha waxaa ku wehlinayay Wasiirka Maaliyadda Mudane Maxamuud Xasan Suleymaan, isaga oo uga warbixiyay qaabka lacag bixinta iyo cida ka taageereysa oo uu sheegay in dawladda Norway ay ka taageereyso qorshahan mushaar bixinta uguna deeqday dhaqaalaha.

no images were found

“Bankigu maanta wuxuu bilaabay mushaar bixintii ugu horeysay ee oo laga bixinayo xisaabta mashruuca loo yaqaano Special Financial Facility (SFF), waana mashruuc ay iska kaashanayaan dawladda Soomaaliyeed iyo dawladda Norway oo muddo sideed bilood ah laga soo sahqeynayay” ayuu yiri Wasiirka Maaliyadda oo xusay in qorshani uu qeyb ka yahay maareynta dib u habeynta dhaqaalaha dawladda.(Public Finance Management Reform).

Dhanka kale, Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Cabdi Faarax Shirdoon ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay in shaqaalaha rayidka dawladdu ay mushaaraadkooda helaan, isaga oo tilmaamay in dawladda federaalka dhanka kale bixisay mushaaraadka ciidanka dawladda iyada oo adeegsaneysa qasnadda dhexe ee dawladda Soomaaliyeed.

“Arrintani waxay tusaale cad u tahay horumarka dhanka maamulka maaliyadda ah ee ay dawladdu sameyneyso, waana nidaam cad oo la xisaabtan leh” ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha oo ku tilmaamay talaabadani mushaar bixinta guul u soo hoyatay dawladda, waxa uuna carabka ku adkeeyey in talabaadani ay abuureyso kalsoonida beesha caalamka.

Ugu dambeyntiina, Ra’iisul Wasaare Saacid ayaa sheegay in dawladda Soomaaliyeed ay si buuxda u qaadatay isla markaana dhaqangelisay siyaasad cad oo ku aadan hagaajinta illaha dhaqaalaha.

Garad Salad Hersi
Press officer, PM office
Mob.+25261-5536608
Mogadisho, Somalia 

Leave a comment

*

Archives
August 2013
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
262728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online