Ra’iisul Wasaaraha Saacid oo kulan la qaatay wasiiro iyo saraakiisha amniga

August 13, 2013 - Written by Editor

Muqdisho:-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Faarax Shirdoon Saacid ayaa caawa kulan la qaatay Wasiirada Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka Cabdikariin Xuseen Guuleed, Wasiirka Cadaalada iyo Garsoorka Cabdullaahi Ebyan Nuur, Wasiirka Ganacsiga Maxamuud Axmad Xasan, Wasiir kuxigeeno, Taliyeyaasha Ciidanka iyo maamulka gobolka Banaadir, waxaana kulankan oo soconayay muddo ku dhow 5 saacadood lagu gorfeeyey sugida amniga caasimadda iyo horumaro laga gaaray xaqiijintiisa.

Kulankan ayaa markii uu soo gabagaboobay waxaa warbaahinta la hadlay Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga Cabdikariin waxaana uu sheegay in kulankan gebi ahaanba looga arrinsanayay sugida amaanka dalka, iyo howlgaladii ugu dambeeyey ee ay ciidanka amnigu sameeyeen kuwaasoo laga gaaray horumaro dhanka la dagaalanka kooxaha nabadiidka iyo weliba unugyo isku xiran oo ku howlanaa qal qal gelinta amniga shacabka.

“Caawa waxaa halkan ka dhacay kulan aad u muhiim ah oo uu shir guddoominayay Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda, waxaana si qotadheer looga hadlay waxqabadka hay’addaha amniga ee dalka, gaar ahaana Muqdisho, waxaana si aad ah looga dooday qorshaha sugida amniga iyo xasilinta, dood dheer kadib waxaa la isla qiray in Asbuucii ugu dambeeyey la sugay amniga magaalada, waxaana hay’addaha amniga iyaga oo is kaashanaya ay Asbuucii la soo dhaafay burburiyeen, gacantana ku soo dhigeen 17 unug oo ka mid ahaa kooxaha nabadiidka ah ee Shabaab” ayuu yiri wasiirka Arrimaha gudaha oo xusay in unugyadan oo ka kooban halkii unugba inta u dhaxeysa 11 illaa 3 xubnood gacanta lagu soo dhigay iyaga oo ku howlan falal ay ku maja xaabinayaan amniga magaalada kuna dhibaateynayaan dadweynaha.

Sidoo kale, wasiirka ayaa xusay in warbixino cad cad ay hay’addaha amnigu ka soo gudbiyeen kooxahan nabadiidka ah, si loo cirib tiro kuwa weli dhuumaaleysiga ku jira. Waxaana uu sheegay in degmooyinka howlgaladan laga fuliyay ay ka mid yihiin Yaaqshiid, Kaaraan, Wardhiigley, Xamarweyne, Xamarjajab, Shibis, Bakaaro, Heliwaa, Dayniile iyo Wadajir isaga oo tirada guud ee kooxahan qaswadayaasha ee gacanta lagu dhigay ay dhanyihiin 39 xubnood.

Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga ayaa sidoo kale xusay inay jiraan howlo ballaaran oo weli ay ku guda jiraan hay’addaha amniga kuwaasoo ay dhidibada ugu siibayaan unugyada kooxahan nabad diidka ah ee shacabka dhibaateeya.

“Runtii waa guul bilow ah, waxaana rajeynayaa in la xaqiijin doono amniga dalka, gaar ahaana caasimadda, waana waajib na saaran in kooxahaas qaswayaasha ah aanu shacabka ka badbaadino” ayuu yiri Wasiirka oo dhanka kale shacabka ugu baaqay inay gacan ka geystaan ka hortaga iyo la dagaalanka kooxahan qaswadayaasha ah.
Kulanka Ra’iisul Wasaaruhu la qaatay Wasiirada iyo saraakiisha amniga ayaa waxa uu qeyb ka yahay kulamo is daba jooga ah oo uu la qaadanayay todobaadyadii ugu dambeeyey hay’addaha amniga kuwaasoo uu kula xisaabtamayay xaqiijinta amniga iyo xasilinta.

—Dhamaad—-
Garad Salad Hersi
Press officer, PM office
Mob.+252-61-5536608
Mogadishu, Somalia

Leave a comment

*

Archives
August 2013
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
262728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online