Sh Dr Maxamuud (Hoori ) oo Muxaadaro u jeediyay ardayda jaaamacadda IMAM ee Muqdisho.[Masawiro]

August 29, 2013 - Written by Editor

1Muqdisho:-Kulan ballaaran oo ay soo qaban qaabiyeen Maamulka Jaamacadda IMAM ayna ka qeybgaleen ardayda Jaamacadda iyo Aqoonyhano kale ayaa maanta lagu qabtay hoolka shirarka ee Jaamacadda IMAM oo ku taala degmada Hodan ee Magaalada Muqdisho. Kulanka ayaa waxaa marti ku ahaa Sh Dr Maxamuud C/raxmaan Maxamuud (Hoori) oo bare ka aha Jaamacadda Dhayiba oo ku taal Magalaada Madiina Al-Munawara ee boqortooyada Sacuudiga (assistant Professor of Physics & Chemistry).

Sheekh. Dr Maxamuud C/raxmaan Maxamuud (Hoori) ayaa ah khabiir ku taqasusay Fiisigiska Iyo Kimistariga , muddo ka soo shaqeeyay Jaamacadda Leicester ee UK ayaa ugu horeyntii waxa kulanka ku soo dhaweeyay maamulka jaamacadda oo ay meteleyeen Guddoomiyaha Jaamacada IMAM Dr Hassan Sheekh. C/qaadir (Xasan al-Basri) & Guddomiye ku xigeenka Shaafici C/casiis Xaaji Dhafe .

Sheekh. Dr Maxamuud C/raxmaan Maxamuud (Hoori) ayaa ardayda u soo jeediyay muxaadaro uu kaga hadlay hababka lagu gaaro guusha, asagoo ardayda u tilmaamay wadooyin muhiim ah oo loo maro guusha , sidoo kale ardaydii ka soo qeyb gasahay kulan kaas ayaa Sh.Dr Maxamuud weydiiyay su’aalo la xiriira mowduuca kulanka & guud ahaan arrimaha la xiriira waxbarashada & Tiknoolojiyada.

no images were found

Kulanka ayaa ku soo gebagaboobay siddii loogu talagalay ardaydii kulankaas ka qeybgashayna waxay mahad balaaran u celiyeen maamulka jaamacadda IMAM oo had iyo jeer u tagan koruqaadista aqoonta ardayda, & DR Maxamuud Hoori oo waqtigiisa u soo huray wacyigelinta ardayda Soomaaliyeed.

Jaamacada IMAM oo kulanka sooqaban qaabgisay ayaa kamid ah Jaamacadaha ka dhisan Magaalada Muqdisho ee kashaqeeya kobcinta Aqoonta Maadiga ah iyo mida Diiniga waxayna Mataan latahay Markazka EASMEC oo ay Ardaybadan kaqalin jabisay tan iyo markii la aasaasay sanadii 2009 ka.

Halgan.net
Muqdisho

Leave a comment

*

Archives
August 2013
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
262728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online