Sheekh Mustafa Xaaji Ismail iyo Jaaliyada Soomaaliyeed ee dalka Qatar

August 23, 2013 - Written by Editor

QatarQatar:-Waxaa markii u horaysay booqasho ku yimid wadanka Qatar daaciga weyn ee Soomaaliyeed Sh.Mustafa Xaaji Ismaaciil. Sheekha oo aad loogu soo dhaweeyey magaalada caasimada ah ee  Doxa ayaa wuxuu jeediyey muxaadarooyin is daba joog  ah oo ay ka soo qayb galeen tiradii u badneyd ee ebed isugu soo baxdo kulamada  Jaaliyadda soomaaliyeed ee dalka Qadar.

Sheekh Adam Sheekh Xasan oo muddo dheer ka ahaa imam iyo khadiib magaalada Doxa ayaa ku tilmaamay kulankan kii ugu ballaarnaa ee ay yeelato jaaliyadda Soomaaliyeed “30 sano iyo ka badan ayaan wadankan joogay. Weligay ma arag tiro intaan la’eg oo isku timaado taas waxay ku tusinaysaa ixtiraamka weyn ee loo hayo sheekh Mustafa Xaaji Ismail  iyo sidda ilaah uu u barakeeyay juhuudiisa dacwada islaamka uu ugu adeegayo”

Canaawiinta muxaadarooyinka ayaa ahaa kuwa dowr weyn ka ciyaaray isku imaatinkan weyn, iyada oo  Sheekhu uu  u doortay kulankan oo socday mudo shan maalin ah, mawduucyo muhiim u ah jiritaanka bulshooyinka caalamka, iyo gaar ahaan shacabka Soomaaliyeed ee burburka ku jiray 30kii  sano ee ugu danbaysay. Muxaadaraadka ayaa waxay qaadaa dhigeen waxyaabaha khilaafka dhaliyo  iyo sida loo soo afjaro.

Hadaladii cajiibka ahaa ee sheekhu  meesha kasoo jeediyey ayaa  waxaa kamid ah “Haddii aadan dadka Allah dartiis isaga cafin  karin, caafimaadkaada dartiis isaga cafi waayo waxaa la’ogaaday qofka dadka cafiya inuu ka caafimaad badan yahay kan aan cafin”

Goor uu sheekhu  kahadlayey fiqiga la xariiro dib u heshiisiinta dadka wuxuu yiri  “ Waxaa jirta run ay xaaraam tahay inaad sheekhto oo aad naarta ku galaysid iyo been aad janada kugalaysid.”Isku soo baxaas balaaran waxaa ka muuqday dhamaan shacabka Soomaaliyeed qaybihiisa kala duwan,  xarakaatka islaamiga ah, gobolada,  iyo siyaasadaha kala gadisan ee wadanka kajira.

Waxaa xusid mudan in ay kumanaan kale kala socdeen muxaadarooyinkaas skpe iyo qalabka warbaahinta ee  kala duwan. Waxyaabaha xiisaha goonida ah  u yeelay kulankan ayaa waxaa ka mid ahaa inay goobtii muxaadaradu ka socotay ay ku soo islaameen 5 qof oo ka soo jeeda wadanka Uganda ka dib markii qaar ka mid ah jaaliyadda ay ku booriyeen inay diinta galaan, ilaah fadligiisna ay suuragashay in hoolkii muxaadaradu ka socotay shahaadada loogu qabtay 5taas qof .

Sida lawada ogsoonyahay, wadama Carabta kama mid ah meelaha ay culimada Soomaaliyed socdaallada diinta lagu faafinayo ku tagaan, ayadoo lagu tuhmaya inay joogaan meel diin wanaagsan haseyeeshe jaalidaha wadamada carabta waxay kamid yihiin dadka diinta u ooman oo aan helin waxbarashada ay rabaan. Gabgabadii waxay ka soo qayb galayaashu muujiyeen sida ay ugu riyaaqeen kulan diimeedkan, iyadoo ay codsadeen  in la badiyo kulamada noocan  oo kala ah.

Waxaa xusid mudan in gudiga dacwada ee jaaliyadda soomaaliyeed ee Qatar ay wadaan dadaal ay ku doonayaan inay keenaan culima kale oo Soomaaliyeed si ay muxaadaraad uga jeediyaan jaaliyadda  Soomaaliyeed ee Qadar ku dhaqan oo  lagu qiyaaso 4000 afar kun oo qof.

Adam Abdi Abuzuhri
Halgan.net, Qatar

Leave a comment

*

Archives
August 2013
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
262728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online