Siyaasi Cali Cabdi Awaare waxaan ahay Musharax u taagan Madaxnimada Puntlland [War-saxaafadeed]

August 10, 2013 - Written by Editor

Garoowe:-Guud ahaan Shacabka Reer Puntland ee ku kala sugan Dalka gudihiisa iyo Dibediisa waxaan marka hore u soo gudbinayaa Salaanta Islaamka, waxaan kaloo u soo gudbinayaa hambalyo ku aadan Ciidda barakaysan ee Ciidul Fidriga, ILLAAH IDAN KIIS waxaan rajaynayaa Ciidan Ciideeda kale in aan ku gaarno Nabad waarta iyo Barwaaqo,waxaan ugu baaqayaa in laga wada shaqeeyo nabadda,wadajirka iyo midnimada Puntland.
Walaayaal Sida aad ka warqabtaan, Muddo badan waxaan ka soo shaqeeyey Puntland, mar walbana waxaan u heellanaa horumarka iyo waxqabadka Puntland laga soo bilaabo 1991,waxaan kaalin mug leh ku lahaa aasaaskii Puntland 1998dii ,muddooyinkii aan wasiirka Puntland ka ahaana waxqabad la taabankaro aan ka qabtay haddii aan qayb ka xuso waxa ka mid ahaa.
Dhismaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo dowladaha hoose oo ah dhisme wasaaradeedkii ugu horreeyey ee Puntland laga hirgeliyo Samayntii Sharciga Dawladaha Hoose ee Puntland
Samayntii Sharciga Caasimadda Puntland ee Garoowe. Hirgelintii golayaasha degaamada Puntland laga hirgeliyey in ka badan 24 Degmo.
Dhismayaashii barakacayaasha Soomaaliyeed oo laga hirgeliyey Garoowe iyo Boosaaso
Barnaamijkii kicinta Degmooyinka oo ahaa in la siiyo agabkii ay ku hawlgeli lahaayeen sida qalabka xafiisyada iyo documentiga cashuur qaadista iyo gaadiid shaqo. Mashruuca Horumarinta iyo Town planning-ka Degmooyinka ee JPLG oo ilaa hadda ka shaqeeya Puntland.
Walaalayaal Ilaa iyo waqtigan aan joognana waxaan mar walba ka shaqeeyaa una taagnahay horumarka,nabadda iyo wanaagga Puntland. “Waarimeyside War ha kaa haro” Sidaa awgeed
Markaan tixgeliyey Taageerada ballaaran, kalsoonida iyo rabitaanka Shacabka Puntland ay ii hayaan gudo iyo dibedba.
Markaan tixgeliyey aqoonta iyo waaya aragnimada aan u leeyahay Dadka iyo Deegaanada Puntland oo aan inta badan soo wada maray Miyi iyo Magaalo kana warqabo baahidooda. Markaan tixgliyey tala soo jeedinta Bulshooyinka Puntland qaybaheeda kala duwan ee Gudo iyo Dibed kuna qanac sanaa waxqabadkaygii muddooyinkii aan xilalka kala duwan ka hayey Puntland “ Magaalo waa madal inta joogtaana waa marag”.
Haddaba anigoo tixgelinaya talooyinkaa iyo codsiyadaa badan ee Bulshada qaybeheeda kala duwan waxaan Maanta oo aan joogno Caasimadda Puntland ee Garoowe aan kaga dhawaaqaya cod dheerna ku sheegayaa in aan ahay Musharax u taagan Xilka Madaxtinimada Puntland Bisha Jannaayo 8, 2014, anigoo rajaynaya haddii aan ku guulaysto Hoggaanka Puntland in aan ku hago Tubtatoosan, Caddaaladda,Dimurqraadiyadda,Dawladwanaagga,Horumarka iyo Nabadda, haddii allaah idmo.
Puntland Nabad, Midnimo Iyo Horumar
ALLAA MAHAD LEH

Leave a comment

*

Archives
August 2013
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
262728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online