Tafatiraha Halgan.net oo booqasho ugu tegay Sh.Al-Calaamaha Shariif Cabdi Nuur

August 2, 2013 - Written by Editor

Mecca:-Mid ka mid ah tafatirayaasha Halgan.net ayaa booqday Sheekh Al-Calaamaha Shariif Cabdi Nuur Xafidahulaah waxaa booqashada ku weheliyey Sh Yuusuf C/Casiis oo madax ka ah Majliska Umanada ee Jaamacada Bariga Afrika ee Magaalada Boosaaso. Waxaa si wacan noogu soo dhaweeyey guriga Sheekh Al-Calaamaha Shariif Cabdi Nuur wiilkiisa Maxamed Shariif Cabdi Nuur Jazahulaah kheyr in yar markii aan fadhinay barsada ayaan waxaa u galnay Sheekh Shariif Cabdi Nuur oo Kitaab Mukhtasar Saxiix Bukhaari gacanta ku heysta oo Akhrisanaya.
Salaan iyo Marxabeyn ka dib ayuu Sheekh Al-Calaamaha Shariif Cabdi Nuur na weydiiyey magacyadeena iyo halka aan ka nimid sidda caadiga u ah Sheekha waan isku sheegnay Sheekha intaas ka dib Sheekh Shariif Cabdinuur waxaa uu nagu bilaabay in uu na waaniyo wuxuu ka hadlay xaalada Soomaalida gaar ahaa Yurub iyo sidda ay Soomaalida u dhaqan badalmeen wuxuuna nagu waaniyey in aan diinteena xajisano iyo in aan luqadaha wadamada aan joogno aan barano si aan gaalada u soo islaamino .
Sh.Al-Calaamaha Shariif Cabdi Nuur ayaa intaas ka dib waano guud u jeediyey umada Soomaaliyeed wuxuuna ku waaniyey in ay diintooda qabsadaan iskana ilaaliyaan dhiiga muslinka wuxuuna Sheekha aad u adkeeyey in aysan marna banaaneyn in Murtad lagu xukmiyo qof muslin ah ka dibna dhiigiisa la baneysto. Sheekh Al-Calaamaha Shariif Cabdi Nuur ayaa tusaale u soo qaatay Khawaarijtii dishay Saxaabigii Jaliilka ahaa ee Cali Ibnu Abii Dhaalib wuxuuna sheekha yiri ” ka warama kuwa Cali Ibni Abii Dhaalib u dilay gaalnimo yey deynayaan maanta”.
Intaas ka dib ayaa waxaa xaalada Sheekha Al-Calaamaha Shariif Cabdi Nuur nooga waramay wiilkiisa Maxamed Shariif Cabdi Nuur wuxuuna noo sheegay in xaalada Sheekha ay haatan aad uga wanaagsan tahay sidii hore , runtii waxaa aad noo cajab galiyey markii aan u galnay Sheekha in uu daalacanayey Kitaabka Saxiixu Bukhaariga Mukhtasarkiisa wuxuuna nagu dul akhriyey hal xadiis isaga oo aan wadan wax oo kiyaalo ah .
Xasuusta Sheekh Al-Calaamaha Shariif Cabdi Nuur waa mid alle u nicmeeyey oo mar walba akhrinaya kutubta Axaadiista una faa,ideynaya cida mar walba soo booqata.

Faahfaahinta booqashada Shariif Cabdi Nuur ayaan dib idinkaga soo faahfaahin doonaa insha Allaahu.
Halgan.net
Mecca

Leave a comment

*

Archives
August 2013
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
262728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online