Tow tow faylane tolka too lee ka weel. W/Q Sh Fu’aad Maxamuud Xaaji Nuur

August 27, 2013 - Written by Editor

fuaadWaa oraah macne weyn ku qotonta, waana af soomaaliga maayga loo yaqaan, sababta ay ku baxdayna waxaa ay ahayd dhacdo yaab leh oo la soo gudbanaatey dagsiimo beeraleey ah oo aan soo uga fogeyn magaalada Baydhabo jannaay. Beeraleeydii waxay xoog iyo xoolaba galiyeen dhul beeroodkoodii, waxaa nin walbaa saaray dhulkiisii dalaggii uu is lahaa waana kuu baxayaa waadna ka faa’ideysaa waxaase u badnaa waxa la beeray Masaggo oo afka maayga ku ah (Misgee), ilaahay amarkii markii sabuulkii uu gurasho ama goosasho ku dhawyahay ayaa nin beeralaydii ka mid ah waxaa beertiisii cunay Ayax, markii arrintaasi dhacday degsiimadii baa ninkii ku wiirsatey oo waxaa layiri (ninkii seexda ayaa saciisu dibi dhalaa) istaahil, wax ma tare iyo ereyo xanuun badan ayaa wadnaha lagu gooyey, ninkii aad buu u carooday wuxuu jeclaystay in mar uun iyagana belo cirka uga soo dhacdo.

Waa meel wax laga wado e maalin uun baa cirkii la arki waayey waxaasu waa Ayax, beerihii oo dhanbuu ku degay oo saracii ka diirtey, ninkii waagii lagu wiirsadey intuu soo ordey ayuu beerihii yimid mise ayixii ayaa hooshaya, intuu u bogey oo farxad is hayn waayey buu yiri (Tow tow faylane tolka too lee ka weel) oo macnaheedu yahay bood bood wanaagsanoow (illaa ayuxu waa kan dhakab dhakab u booda e) tolka isku mid ka dhig oo yaan nina masaggo goosan oo Bakaar dhigan!!.

Akhyaareey dhaqanka noocaan ahi waa mid liita oo waxay ahayd in ninkaan masiibadu haleeshay loo tacsiyeeyo, loo xoolo celiyo amaba loo xoolo gooyo, laakiin waa lagu maadeystay, waa lagu kajamay, waa lagu dhego hadlay, isna colaad buu qaaday oo waa aar goostay, waana wax aan qurux badnayn!!.

Laakiin soo dhaqanka guud ee beelaha soomaalidu soo sidaan uma eka, markii qolo dhexdeeda ka dirirto waxaa ku farxa qoladii ay labadaan qolo oo firiraya ay xinifta lahaayeen, markii qolo soomaaliyeed belo ku dhacdo waxaad arkaysaa kuwo ku faraxsan oo leh istaahil intee ayey dadka dulminayeen, Alle waa caadil, mar inay kabaha afka ku qaadaan waa la rabey, bagah iyo ereyo kale ayaad maqlaysaa!!!.

Xagga siyaasadda haddaad eegtid waxaad arkaysaa isla dhaqankaan oo kale, madaxweynaha qolaa ku farxaysa qolona waa ka naxaysaa, Ra’iisal wasaaraha sidoo kale, dawladdu waa reer hebel, haddeh guulaysato qolo ayaa farxaysa, haddii ay fadhilsntana qolas farxaysa, wasaaraddu waa reer hebel, ma istaahilaan, ma wadi karaan, anagaa naqaan, koob shaaha ma caanayn karo, bal daa darbiga ha soo taabtee iyo ereyo kale ayaad maqlaysaa, marka soo xaajo yaab badan ma aha!!, sidee dalku u degayaa?, sidee dawlad loo noqonayaa?, sidee dada wax loola qaybsanayaa haddii caqliga galaha geela iyo kan madaxtooyadu yihiin bagah, ma geeyaan, sankoodaan ka soo guraynaa, meeshay gaaraan ha la arko, wallee waanan raacin iyo hadal ka sii xun.

Alloow ur u bixi.

W/Q:  Sh. Fuaad Maxamuud X Nuur

Leave a comment

*

Archives
August 2013
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
262728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online