Ugaaska beesha Galimeys oo lagu dilay magaalada Kismaayo

August 16, 2013 - Written by Editor

qaraxKismaayo:-War goor dhow qarax miino ah lagu dilay allaha u naxariistee Ugaas C/qaadir Sh Axmed iyo wiil uu adeer u ahaa xili saaka miino lagu bartilmaamsaday iyagoo marayey Xaafadda Siinaay ee magaalad Kismaayo. Ugaas C/qaadir Sh Axmed ayaa ahaa Suldaannka beesha Galimeys waxaan uu ka mid ahaa odayaasha dhaqanka ee Gobollada Jubooyinka ee wax ka soo dhisay maamulka Jubbaland ee uu madax weynaha u yahay Axmed Maxamed Islaan Axmed Madoobe.

Ugaas Jaamac Xassan Ibraahim oo ka mid ahaa odayaasha dhaqanka ee ee magaalada Kismaayo oo la hadlay saxaafada ayaa sheegay in dilka Ugaas C/qaadir Sh Axmed ay ka danbeeyaan ururka Al-shabaab oo iyagu banaystay dhiiga dadka muslinka ah gaar ahaan waxgaradka Soomaaliyeed.  Ugaas Jaamac Xassan Ibraahim ayaa ugu baaqay maamulka Jubbaland in ay baaritaan ku sameeyaan dilkaan foosha xun kuwii ka danbeeyeyna cadaalada la horkeeno.

Dhinac kale Afhayeenka maamulka Jubbaland C/naasir Seeraar Maax oo saxaafada la hadlay ayaa ka tacsiyeeyey dilka allaha u naxariistee Ugaas C/qaadir Sh Axmedoo ahaa ugaaska Galimeys isagoo sheegay in dilkiisa ay ka danbeeyaan ururka Al-shabaab iyo kuwii dhawaan dagaalka ka riday magaalada Kismaayo.

Afhayeenka maamulka Jubbaland C/naasir Seeraar Maax ayaa sheegay in maamulkoodu ay wadaan baaritaan ayna daba gal ku samayn doonaa kooxaha dilka wada fuliyey talaabo adagna ay ka qaadi doonaa haddii alle idmo.


Cabdi Yare
Halgan.net

 

Leave a comment

*

Archives
August 2013
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
262728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online