Ururka al-shabaab oo dilay Taliyihii ciidanka Xisbad ururkood ee degmada Walaweyn
August 31, 2013 - Written by EditorJilib:-Waxaa maanta lagu dilay magaalada Jilib sarkaal horay uga tirsanaa Ururka al-shabaab laguna magacaabo Axmed Garaad Cali ka dib markii ururkii uu ka tirsnaa ay ku eedeeyeen in uu dicaayad ka faafiyey ururka Al-shabaab kuna biiraya DFS. Sarkaalkaan lagu magacaabo Axmed Garaad Cali ayaa waxaa uu ahaa Taliyihii ciidanka Xisbad ee degmada Walaweyn ee ururka al-shabaab waxaan da’adiisa lagu sheegay 29 jir.
Sarkaalkaan ayaa waxaa ururka Al-shabaab ay sheegeen in ay ka soo qabteen xili uu doonayey in uu galo magaalada Kismaayo xarunta Gobolka Jubada Hoose . Dilka Sarkaalkaan ayaa waxaa ku soo beegmayaa xili masuuliyiin ka tirsnaa ururka Al-shabaab ay bilaabeen in ay la hadlaan saxaafada ama qoraalo ku faafiyaan baraha internetka ilaa intii ay ururak Al-shabaab ay ku dileen degmad Baraawe Ibraahim Afgani iyo Macalin Burhaan oo ka mid ahaa Masuuliyiinta ugu sareeyey ee ururka Al-shabaab.
Boqolaal dadweyne ah ayaa u soo daawasho tegay goobta lagu dilayey Axmed Garaad Cali , sarkaal u hadlay ciidanka Al-shabaab ayaa sheegay in Axmed Garaad Cali ay qabteen ciidanka Al-shabaab xili uu isku qarinayey gaari ay leeyihiin dad shacab ah oo marayey degmada Kabsuuma. Xukunka sarkaalkaan ka tirsanaa Al-shabaab ayaa waxaa meel fagaaro waxaa uga dhawaaqay gudoomiyaha maxkamadda Jubbooyinka ee ururka Al-shabaab isagoo ku riday xukun dil ah.
Saraakiisha ka tirsan ururka Al-shabaab oo ilaa hadda la hadlay saxaafada ama qoraalo soo dhigay baraha internetka ayaa waxaa ka mid ah Abu Yasir Almuqdishi, Abu Ayaan , Zubeyr Muhaajiri, Abu Yuusuf, , Abu Mansuur Al Amriki, Ibraahim Afgani , Shiikh Xassan Daahir Aweys.
ilaa hadda ma jiro wax war ah oo ka soo baxay ilo ka madax banaan ururka Al-shabaab ama eheladii sarkaalka ay dileen ururka Al-shabaab oo horay uga tirsnaa saraakiisha ciidanka Xisbada ee degmada Walaweyn. Halkaan ka eeg
A/cawaale
halgan.net