Wasaaradda Warfaafinta ee DFS oo soo saartay go’aamo la xariira shirkadaha diyaaradaha

August 25, 2013 - Written by Editor

Muqdisho:-Wasiirka Warfaafinta Boostada, Isgaarsiinta iyo Gaadiidka Mudane Cabdullaahi Ciilmooge Xirsi oo saaka xafiiskiisa kula shiray dhamaan shirkadaha diyaaradaha ee dalka ka hawlgala ayaa soo saaray go’aamo ay soo dhaweeyeen dhamaan shirkadaha diyaaradaha dalka ka shaqeeeya. Shirkan oo qaatay saacado ayuu wasiirku ugu horeyn uga mahadceliyay adeegga ay shirkadahani u hayaan shacabka Soomaaliyeed iyagoo usahlay inay dalka gudihiisa iyo dibaddiisa ukala safraan muddadii uu dalku burbursanaa iyagoo u bareeray khatar badan kuna shaqeeyay xilli adag iyadoo wasiirku ubalanqaaday shirkadaha Soomaaliyeed inay leeyihiin mudnaanta 1aad iyagana looga baahan yahay in kor u qaadaan adeegga ay bixiyaan.

Wasiirka ayaa shirkadaha uga warbixiyay guulihii isdaba joogga ahaa ee wasaaraddu ka gaartey soo celinta hawada Soomaaliyeed(Somali Airspace) iyo Xayiraaddii caalamiga ahayd ee laga qaaday garoonka Aaden Cadde ee Caalamiga taasoo sida wasiirku sheegey soo dadajinaysa in kor loo qaado tayada adeegyada garoonka Aaden Cadde iyo dhamaan garoomada dalka iyo Shirkadaha duulimaadyada ee dalka ka shaqeeya.Wasiirka ayaa shirkadaha kala hadlay arimo badan oo ay kamid ahaayeen daryeelka Rakaabka Soomaaliyeed, Jadwalka diyaaradaha, sharciyadaha iyo shaqaalaha lasocda diyaaradaha.

Kulankan oo wakiilada shirkadaha diyaarada Soomaaliyeed ay kusoo gudbiyeen aragtidooda ayna aad usoo dhaweeyeen la kulanka wasiirka ayaa waxaa kasoo baxay go’aamo wax ku ool ah oo saamayn ku yeelan doona qaabka ay u shaqeeyaan shirkadaha diyaaradaha iyo daryeelka rakaabka Soomaaliyeed.

Qodobadii kasoo kasoo baxay shirka ayaa ahaa sidan:
1- In Dhamaan shirkadaha diyaaraduhu ay wasaaradda keenaan muddo 7aad ah sharciga, ruqsadaha diyaaradaha iyo shahaadooyinka shaqaalaha la shaqeeya(Crew)ga si loo hubiyo inay yihiin dad aan danbi lahayn una qalma shaqada ay hayaan.
2- In luuqadda Soomaaliga ahi noqoto midda ugu mudan ee lagula hadlo rakaabka saaran diyaaradaha ka shaqeeya dalka Soomaaliya
3- In shirkadaha diyaaraduhu ay ilaaliyaan waqtiyada bixitaanka iyo imaatanka rakaabkana ay siiyaan waqti sax ah oo ay ku xisaabtamaan.
4- In shirkadaha diyaaradahu aysan ku shaqaynsan diyaarad aan lahayn adeegyada Marawaxadaha, Musqulaha iyo inaan diyaaradaha la saari karin rakaab dheeri ah iyo culeys ka badan midka loogu tala galay.
DHAMAAD

Ahmed Haji Abdi
Xafiiska Wasiirka Wasaaradda
Email: daljire74@gmail.com

Leave a comment

*

Archives
August 2013
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
262728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online