Wasiirka G/dhiga ee DFS oo kormeer ku tagay gobalka Shabellaha Hoose

August 24, 2013 - Written by Editor

Afgooye:-Wasiirka G/dhiga ee DFS C/xakiin Maxamuud Xaaji Fiqi oo ay wehliyaan Xildhibaano iyo Saraakiil sare oo ka tirsan DFS iyo AMISOM ayaa kormeer shalay ku tagay deegaano ka tirsan Shabellaha Hoose.

Wasiirka G/dhiga ee DFS ayaa waxaa kormeerkiisa ku weheliyey Wasiir ku xigeenka wasaarada G/dhiga Axmed Maxamed Nuur,xildhibaano ka tirsan baarlamaanka DFS ,taliyaha ciidamada xooga dalka Jen Daahir Aadan Cilmi (indhaqarshe) iyo Abaanduulaha ciidanka DFS.

Wasiirka G/dhiga ee DFS ayaa gaaray degmada Wanlaweyn ee Gobolka Shabellaha Hoose wuxuuna sheegay in uu u yimid gobalka in uu u guurgalo xaalada ciidanka DFS iyo nabadgalyada wuxuuna ku booriyey ciidanka DFS in ay dhowraan anshaxa ciidanka .

C/xakiin Maxamuud Xaaji Fiqi wasiirka G/dhiga ee DFS ayaa waxaa uu kulan la qaatay maas’uuliinta degmada Wanlaweyn iyo qeybaha bulshada kala duwan wuxuuna ku booriyey in ay ciidanka la shaqeeyaan.

Wasiirka G/dhiga ayaa sheegay in DFS ay ka go,an tahay in ay dalka ka sifeeyaan Al-Shabaab wuxuuna ku goodiyey in howlgalada ciidanka DFS iyo kuwa AMISOM dhawaan dardar la galin doono.

Wasiirka iyo xubnaha la socday ayaa gaaray Garoonkii Balli-Doogle, halkaasoo ah oo ay ciidanka AMISOM iyo kuwa DFS ay ku leeyihiin saldhig ciidan waxaana uu wasiirku warbixino ka dhageystay saraakiisha ciidanka DFS iyo kuwa AMISOM

A/Cawale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
August 2013
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
262728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online