Xaflad loo qabtay Arday ka qalan jebisay Machadka Al-Furqaan iyo Umu Salama.[Masawiro]

August 13, 2013 - Written by Editor

DSC00890Xaflad si wanaagsan loo soo agaasimay ayaa waxaa shahaadooyin lagu gudoonsiiyey ilaa 38 Arday oo ka qalin jabisay Macaahida diiniga ah ee kala ah Umu Salama iyo Machadka Al- Fur qaan qaybtiisa H/Dhexe gaar ahaan Hoolka shirarka ee Machadka Umusalama. Xafladaan ayaa waxaa ka soo qayb galay, Cuqaal, aqoonyahano, Macalimiin, waalidiin, Arday, Cuqaasha iyo culimada ka soo qayb galay ayaa waxaa ka mid ahaa Suldaan Siciid Cismaan Cali iyo Sheekh. Cabdinaasir Xaaji Axmed oo ka mid ah Culimada waaweyn ee dalka Soomaaliya.

Ugu horayn waxaa Xaflada ka hadlaya maamulayaasha Macaah ida diiniga ah ee Al-furqaan qaybta H/dhexe & Umusalama Sh Cali Cabdalle Cumar & Sh Axmed Maxamed Samatar iyagoo ka war bixiyey tirada ardayda ee labada dhinac ka qalin jibanysa.

Sh.Cabdinaasir Xaaji Axmed oo ka mid ah culimada waaweyn ee Soomaaliya aad looga yaqaan oo ka hadlay munaasibada ayaa ku dheeraada faa’iidada cilmiga diiniga ah isagoo dhanka kalena ka digay inaan si khaldan loo adeegsan cilmiga diiniga ah loogana dan beeyey culimada waaweyn ee diinta aqoonta u leh.

no images were found

Intaasi ka dib waxaa hadalka qaatay Dr Cabdishaafi Axmed Cali oo ah maamulaha Jaamacadda bariga Afrika ee  Buuhoodle ee xarunta gobolka Cayn isagoo ku booriyey ardayda in ay waqti gooda ka faa’iidaystaan iyadoo hadalka ay uga danbeeyeen cuqaal aqoon yahano & wax garad kale. Ugu danbayna waxaa munaasibada shahaadooyin lagu gudoonsiiyey ardaydii qalin jebisey iyadoo uu shahaadooyinka gudoonsiiyey Suldaan Siciid Cismaan Cali oo soo xiray Xaflada.

Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
August 2013
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
262728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online