Xaflad weyn oo ka dhacday Mac-hadka Ibnu Teymiya ee Degmada Carmo[Masawiro]
August 31, 2013 - Written by EditorCarmo:-Xaflad si weyn loo soo agaasimay ayaa waxaa lagu qabtay Mac-hadka Ibnu Teymiya ee Degmada Carmo ayaa waxaa abaal marinno kala duwan lagu gudoon siiyey Ardaydii duruusta shareecada ku qaadatay 3dii bilood ee xagaaga , isla markaasna kaalimaha hore ka galay imtixaankii la qaaday. Xafladda ayaa waxaa ka soo qayb galay Bulshada reer Carmo qaybeheeda kala duwan sida Maamulka Degmada, odayaal, Ganacsato, aqoon yahan, haweenka iyo ardayda Machadka Ibnu Teymiyaha oo iyaga xafladda loo qabanayey.
Ugu horay waxaa halkaas ka hadlay Maamulaha Machadka Ustaad: Cabaas Maxamed Khaliif oo ka warbixiyey marxaladihii wax barasho ee uu machadku soo maray iyo qorshaha sannadka cusub ee hadda bilawga ah isagoona sheegay inay ka go,antahay sidii uu Machadkani tusaale fiican ugu noqon lahaa Deegaanka ku xeeran ,isla markaasna ay xooga saarayaan siddii loo soo saarilahaa Arday aqoon fiican u leh Shareecada Islaamka.
no images were found
Sidoo kale waxaa Xafladda ka hadlay Guddoomiyaha Degmada Carmo Eng. Ibraahim Shire Maxamed isagoo tilmaamay sidda Machadka Ibnu Teymiya wax ku ool ugu yahay Degmada Carmo wuxuuna yiri(“waxaa loo baahan yahay in aynu yar iyo weynba ka faa,iidaysanno Machadkan shareecada islaamka si aynu diinteena aqoon fiican ugu yeelanno”) wuxuu kale oo Guddoomiyuhu usoo jeediyey dadweynihii xafladda ka soo qayb galay in dhalin yarada laga wacyigeliyo Tahriita iyo dhibaatada ku sugan, taas bedelkeedana la jeclaysiiyo dhalinta dhulkoda hooyo in ay wax ku bartaan kana shaqaystaan.
Dhammaan dadkii xafladda ka hadlay ayaa bogaadiyey Machadka iyo shaqada uu hayo iyadoo siweyna loogu mahad celiyey dadkii iyagu aasaasay Machadkan Shareecada islaamka ee Ibnu Teymiya oo ah Machad dhowaan laga hirgeliyey Degmada Carmo.
Ugu dambayn waxaa abaal marin heer sare ah lagu doon siiyey 11 arday oo isugu jira wiil iyo gabdho kuwaaso noqday ardaydii ugu deraja saraysay imtixaankii laga qaaday ardayda Machadka. Si kastaba ha ahaatee ardaydan ayaa wajigooda waxaa laga dheehan karay farxad iyo ray-rayn ku aaddan wax barashadooda iyo abaal marinaha lagudoon siiyey. Isku soo wadaduuboo xaflada ayaa waxay kusoo gaba-gabowday jawi aad u degan.
Halgan.net