Xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka DFS oo gaaray magaalada Kismaayo

August 15, 2013 - Written by Editor

Kismaayo:-Xildhibaanno ka tirsan golaha baarlamanka DFS ayaa maanta gaaray magaalada Kismaayo ee Xarunta gobolka Jubbada Hoose xildhibaanada ayaa waxay kulamo la yeelan doonaan madaxada Maamulka J/land .
Wafdiga Xildhibaanada ee maanta gaaray magaalada Kismaayo ayaa waxaa horkacaya Xildhibaan Cabdirashiid Cali Xiddig waxaana uu warbaahinta kula hadlay garoonka diyaaradaha ee magaalada Kismaayo.

Xildhibaan Cabdirashiid Cali Xiddig ayaa sheegay in ujeedada socdaalkooda uu yahay in la soo afjaro khilaafka ka dhex aloosan madaxada DFS iyo Maamulka J/land waxaana uu sheegay in ay ku rajo weyn yihiin in xal laga gaaro khilaafka DFS iyo Maamulka J/land oo gaaray meel aad u xun.

Xildhibaan Cabdirashiid Cali Xiddig ayaa sidoo kale sheegay in ay u yimaadeen Kismaayo in ay uruuriyaan warbixin iyo khasaarihii ka dhashay dagaaladii ka dhacay magaalada Kismaayo

A/Cawale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
August 2013
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
262728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online