Acount Face Book been Abuur ah oo lagu furtay magaca Sheekh Maxamuud Xaliike
April 16, 2015 - Written by EditorNairobi:Waxaa baryahaan aad ugu soo batay barta Facebook rag caadeystay dhaqana ka dhigtay in ay ku been abuurtaan culumada iyo dadweynaha kale ee Soomaalida iyaga oo ku furta Acount magacyada iyo Masawirada culumada.
Been Abuurkii ugu danbeeyey ayaa waxay ka sameeyeen Sheekh Maxamuud Xaliike waxaana ay magaciisa iyo Masawirkiisa ku furteen Acount Face Book ah iyaga oo ku qoraya qoraalo iyo been abuur uusan Sheekhu war u heyn iyo warar siyaasadeed oo qaab daran.
Kuwa dhaqanka ka dhigtaý Been Abuurka Culumada ayaa horey ugu fashilmay Mareego ay ka furteen barta Internetka ka dib markii beentoodii ay ogaadeen shacabkii Soomaaliyeed ayaa waxay haatan u wareegeen dhanka Social media (Facebook iyo Twitterka).
Toogada Acount Face Book ku furta magacayada ayaa horey waxay ku been abuurtee culumada kala ah
1- Sheekh Maxamed Cabdi Umal
2-Sheekh C/risaaq Takar
3-Sheekh Hussein G Adam
4-Sheekh Maxamuud Shible
5-Sheekh Maxamuud Dirir
6-Sheekh Maxamuud Xaliike iyo culumo kale.
Sheekh Maxamuud Xaliike ayaa caawa la soo xiriiray Halgan.net wuxuuna u sheegay in magaciisa lagu furtay Acount Face Book been ah Halkan ka eeg Acount Face Book ee beenta ah ee lagu furtay magaca Sheekh Maxamuud Xaliike.
Sheekh Maxamuud Xaliike ayaa u sheegay Halgan .net in uu leeyahay Acount Face Book sax ah Halkan ka eeg kan saxda ah ee Sheekh Maxamuud Xaliike.
Kuwa ku furanaya magacyada culumada Acount Face Book alaha ha ka baqeen hana ogaadeen in culumada Soomaaliyeed ay leeyihiin arday u taagan difaacooda aakhirana la xisaabin doono kuwa furta Acount Face Book ee beenta ah .
Halgan.net
Nairobi