Ra’isal Wasaaraha Dowladda Federaalka Soomaaliya Dr.Cumar Cabdirashiid oo gaaray Garoowe

April 10, 2015 - Written by Editor

RW_sharmaarkeGaroowe:-Waxaa saaka magaalada Garowe soo gaarey wafdi uu hoggaamiyo Ra’iisal Wasaaraha Dowladda Federaalka Soomaaliya Dr.Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke. Wafdiga Ra’iisul wasaaraha ayaa waxaa ku soo dhaweeyey garoonka diyaaradaha ee Garoowe madaxda ugu saraysay dowladda Puntland , Wasiiro Xilidhbaano Issimo , Saraakiisha ciidanka iyo weliba bulshada qayba heeda kale duwan.

Dadweyne aad u fara badan ayaa ka qayb galay soo dhaweynta Ra’isal Wasaaraha Dowladda Federaalka Soomaaliya Dr.Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke iyadoo dhinac kalena ay ciidanka amaanka ay sugayeen amaanka guud ee magaalada Garoowe.

Ra’isal Wasaaraha Dowladda Federaalka Soomaaliya Dr.Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke ayaa inta uu joogo Garoowe waxaa uu kulamo goon gooi ah la qaadan doonaa madaxweynah dowladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyagoo ka wada hadli doona xiriiri Puntland iyo dowlada Federaalka , arrimaha Federaalka ,maamul u samaynta Gobollada dalka, Higisiga 2016-ka iyo heshiisyo badan oo ay horay u wada galeen Puntland iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Warka oo faahfaahsan dib ayaan idinkaga soo gudbin doonaa insha allaahu

M_M_Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
April 2015
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
27282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online