Baarleex iyo Odowaa oo kormeeray xarumaha shirka gobollada dhexe
April 13, 2015 - Written by EditorCadaado:-Wasiirka arrimaha gudaha ee DFS C/raxmaan Maxamed Xuseen (Odowaa) iyo madaxweynaha maamulka Ximan iyo Xeeb C/laahi Cali Maxamed (Baarleex) ayaa kormeeray maanta xarumaha loogu tala galay qabashada shirka maamul u sameynta gobollada Dhexe.
Wasiirka Arimaha gudaha ee DFS Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen (Odowaa) ayaa sheegay in uu si fiican u socodo diyaar garowga shirka Maamul u sameynta goballada dhexe wuxuuna u mahad celiyey masuuliinta Maamulka Ximan iyo Xeeb sida ay ugu diyaar garoobeen marti galinta shirka.
Madaxweynaha maamulka Ximan iyo Xeeb C/laahi Cali Maxamed (Baarleex) ayaa sheegay in ay wadaan dadaal badan sidii ay u marti galin lahaayeen shirka Maamul u sameynta gobalada dhexe wuxuuna xusay in ay juhdi badan ku bixiyeen wuxuuna sheegay in shirka uu isbuucaan gudahiisa furmi doono.
A/Cawale
Halgan.net