Baarleex iyo Odowaa oo kormeeray xarumaha shirka gobollada dhexe

April 13, 2015 - Written by Editor

cadaadoCadaado:-Wasiirka arrimaha gudaha ee DFS C/raxmaan Maxamed Xuseen (Odowaa) iyo madaxweynaha maamulka Ximan iyo Xeeb C/laahi Cali Maxamed (Baarleex) ayaa kormeeray maanta xarumaha loogu tala galay qabashada shirka maamul u sameynta gobollada Dhexe.

Wasiirka Arimaha gudaha ee DFS  Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen (Odowaa) ayaa sheegay in uu si fiican u socodo diyaar garowga  shirka Maamul u sameynta goballada dhexe wuxuuna u mahad celiyey masuuliinta Maamulka Ximan iyo Xeeb  sida ay ugu diyaar garoobeen marti galinta shirka.

Madaxweynaha maamulka Ximan iyo Xeeb C/laahi  Cali Maxamed (Baarleex) ayaa sheegay in ay wadaan  dadaal badan sidii ay u marti galin lahaayeen shirka Maamul u sameynta gobalada dhexe wuxuuna xusay in ay juhdi badan ku bixiyeen wuxuuna sheegay in shirka uu isbuucaan gudahiisa furmi doono.

A/Cawale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
April 2015
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
27282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online