Bankiga dhexe ee dowladda Kenya oo xanibey akoonnada xawaaladaha Soomaalida

April 8, 2015 - Written by Editor

xawaaladNairobi:-Wararka naga soo gaaraya magaalada Nairobi ayaa sheegaya in Bankiga dhexe ee dowladda Kenya uu xanibey akoonnada shirkado iyo shaqsiyaad leh xawaaladaha ka howl gala dalka Kenya waxaa kale oo uu Bankiga dhexe ee dowladda Kenya xanibay akoonnada Ganacsato Soomaali ah oo meherado waaweyn ku leh dalka Kenya .

Wargeyska Caanka ah ee ka soo baxa dalka Kenya ee la yiraahdo Daily Nation ayaa sheegay in akoonnada ilaa haatan uu xiray  Bankiga dhexe ee dowladda Kenya ay gaarayaan tiradoodu dhan tahay 99, oo ay 13 ka mid ah ay leeyihiin shirkadaha xawilaadda oo ay Soomaalidu leedahay .

Af-hayeenka Xawaaladaha ee Soomaalida Cabdi Cali Maxamuud ayaa sheegay in xanibaada Bankiga dhexe ee dowladda Kenya uu ku sameeyey akoonnada shirkadaha xawilaadda ay tahay ciqaab si gaar ah loola beegsadey Soomaalida ku nool Kenya oo awal khaati ka joogtay ciidanka amaanka .

Cabdi Cali Maxamuud Af-hayeenka Xawaaladaha ee Soomaalida ayaa waxaa uu wareysi gaar ah siiyey Idaacada VOA wuxuuna sheegay in lagu soo wargaliyey xanibaada akoonnada shirkadaha xawilaadda balse ay wili sugayaan magacyada iyo liiska shirkadaha.

Madaxweynaha DFS iyo Ra’isal Wasaare Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke ayaa dowlada Kenya uga digay in la xayiro shirkadaha xawilaadda maadaama nolosha dad badan oo Soomaali ahi ay ku xiran tahay shirkadaha xawaaladaha  .

Saraakiisha amaanka ee dalka Kenya ayaa ku dooday in la xayiro shirkadaha xawilaadda ,shaqsiyaad ganacsato ah oo lagu tuhunsan yahay in ay xiriir la leeyihiin Al-Shabaab ay wax weyn ka tareyso sugida amaanka dalka Kenya.

Kooxda Al-Shabaab ayaa in badan looga digay in ay dhibaato aysan ka dulqaadi karin dadka muslinka ee ku dhaqan Kenya aysan u soo jiidin balse waxaad moodaa in ay dhagaha ka fureysteen talooyinka loo soo jeediyey .

A/Cawale
Halgan.net

 

 

Leave a comment

*

Archives
April 2015
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
27282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online