Biyo la’aantii ka jirtay Degmad Godob Jiraan ee Gobolka Nugaal oo la xaliyey.[Masawiro]
April 15, 2015 - Written by EditorGaroowe:-Waxaa maalmihii lasoo dhaafay ka jiraty degmada Godob Jiraan biyo la,aan baahsan kadib markii uu ka cila doobay ceelbiyood ka jiray Degmada. Ceelbiyood kaan ayaa ah kuwa ugu waa weyn Gobolka Nugaal waxaana maalin walba ka dhaan san jiray in ka badan 21 booyadood kuwaas oo gaar siin jiray xoolalayda ka fog ceelka waxaana sidoo kale ka cabi jiray xoolo lagu qiyaasay 25,000 oo neef ka dib markii dadka ku dhaqan baladka iyo baadiyaha ay maqleen ciladaan ku timid ceelka ayaa sabab tay in la wada dareemo culays aad u weyn kaas oo saameeyay ilaa heer gobol.
Waxaase dadku ahaayeen kuwa aaminsan qadarta waxayna ku kalsoo naayeen Eebihii awalba waraabin jiray. Sidii dadka degan deegaanka Degmada Godob Jiraan caadada u ahayd waxaa lasameeyay roobdoon iyo duco lagu baryayo eebe weyne S.W Eebana waa ka aqbalay waxaana dadku heleen roob si wanaagsan loogu diirsaday oo dad iyo duunyo ka cabeen waxaase wali sii socotay dadaalkii loogu jiray samaynta ceelka .
Qaylo dhaan ka dib waxaa Degmada Godob Jiraan soo gaaray koox ka socotay Hay’adda Biyaha ee Baasaweyn waxayna maantay ay ku guulaysteen in ay xaliyaan Ciladii ku timid Ceelka walow ay khubaradii ka socanta Hayadda Biyaha ay ka dayrsheen Ceelka iyo mustaqbal kiisa waxayna ku taliyeen in si deg deg ah loo helo Ceel labaad maadaama uu ceelkaani qodnaa mudo ka badan 35 sano isla markaana yahay Mid Duqoobay.
no images were found
Nuur Jaamac Aadan
Godob, Jiraan