Ciidamada AMISOM iyo kuwa DFS oo howlgalo ka wada deegaanka Ceelasha Biyaha
April 29, 2015 - Written by EditorAfgooye:-Wararka ka imaanaya Degaanka Ceelasha Biyaha ee Gobolka Shabellaha Hoose ayaa sheegaya in Ciidamada AMISOM iyo kuwa Nabad Sugidda ee DFS ay howlgalo baahsan ka fuliyeen xalay ilaa saaka Degaanka Ceelasha Biyaha.
Ciidanka DFS iyo kuwa AMISOM ayaa waxay howlgalada ku sooo qab qabteen ugu yaraan in ka badan 220 qof kuwaas oo haatan ku socdaan baaritaano.
Howgaladan ayaa ku soo aaaday xili weeraro kala duwan shalay ay ka dhaceen gobalka Gobolka Shabellaha Hoose gaar ahaan degmada Afgooye.
Saraakiisha Ciidamada AMISOM iyo kuwa Dowladda Federaalka Soomalaiya ayaan wali wax faahfaahin ah ka bixin howlgalada ka socoda Gobolka Shabellaha Hoose.
Qaar ka mid ah waxgaradka Gobolka Shabellaha Hoose ayaa ku eedeeyey ciidanka DFS iyo kuwa AMISOM in aysan kala saareyn Al-Shabaab iyo dhalinyarada aan wax shaqo ah ku lahayn .
C/Casiis Maxamed
Halgan.net