Dabley hubaysan oo weerar ku qaadday jaamacad ku taalla magalada Gaarisa
April 2, 2015 - Written by EditorGaarisa:-Wararka ka imaanaya magaalada Gaarisa ee gobalka Waqooyi bari ee dalka Kenya ayaa sheegaya in Dabley hubaysan ayaa weerar ku qaaddeen jaamacad magaalada Gaarisa.
Dableydaan ayaa gudaha u galay Jaamacadda Gaarisa waxaan ay dagaal uu ka dhex socdaa ciidamo tiro yar oo ku jira gudaha Jaamacadda halka ciidamo kale oo gurmad ah ay u soo gurmadeen.
Jaamacad magaalada Gaarisa ee gobalka Waqooyi bari ee dalka Kenya ayaa waxaa ay magaalada u jirtaa ilaa 3 KM welina wax faahfaahin lagama hayo halka ay ka yimaadeen kooxda weerartay Jaamacadda walow ururka Al-shabaab ay igau sheegteen weerarka, Ardayda qaar ayaa waxaa ay u carareen Masjid ku dhex yaalaya Jaamacadda.
Dableyda weerartay Jaamacadda Gaaris ayaa tiradooda lagu sheegay 5 xubnood oo ka tirsan ururka Al-shabaab waxaa ay ilaa hadda dileen 17 qof halka 65 kalena ay dhaawaceen, Dableyda ayaa wali waxaa ay gudaha ugu jirta jaamacadda, iyagoo afduub u haysta arday halka ay ciidanka Kenya ay ku hareeraysan yihiin
Dhinac kale gawaarida gurmadka deg deg ah ayaa ku sii qulqulaya Jaamacadda iyadoo ay jiraan khasaaro iskugu jira dhimasho yo dhaawac oo soo gaaray ardayda Jaamacadda, kooxda Al-shabaab ayaa marar badan waxaa ay weeraro ka fuliyeen gudaha magaalada Gaarisa iyo magaalooyin kale ee Kenya ka tirsan, ilaa iyo intii ay ciidammada Kenya ay galeen gudaha Soomaaliya.
A/cawaale
Halgan.net