Dabley hubaysan oo weerar ku qaadday jaamacad ku taalla magalada Gaarisa

April 2, 2015 - Written by Editor

jaamacadGaarisa:-Wararka ka imaanaya magaalada Gaarisa ee gobalka Waqooyi bari ee dalka Kenya ayaa sheegaya in Dabley hubaysan ayaa weerar ku qaaddeen jaamacad magaalada Gaarisa.

Dableydaan ayaa gudaha u galay Jaamacadda Gaarisa waxaan ay dagaal uu ka dhex socdaa ciidamo tiro yar oo ku jira gudaha Jaamacadda halka ciidamo kale oo gurmad ah ay u soo gurmadeen.

Jaamacad magaalada Gaarisa ee gobalka Waqooyi bari ee dalka Kenya ayaa waxaa ay magaalada u jirtaa ilaa 3 KM welina wax faahfaahin lagama hayo halka ay ka yimaadeen kooxda weerartay Jaamacadda walow ururka Al-shabaab ay igau sheegteen weerarka, Ardayda qaar ayaa waxaa ay u  carareen Masjid ku dhex yaalaya Jaamacadda.

Dableyda weerartay Jaamacadda Gaaris ayaa tiradooda lagu sheegay 5 xubnood oo ka tirsan  ururka Al-shabaab waxaa ay ilaa hadda dileen 17  qof halka 65 kalena ay dhaawaceen, Dableyda ayaa wali waxaa ay gudaha ugu jirta jaamacadda, iyagoo afduub u haysta  arday halka ay ciidanka Kenya ay ku hareeraysan yihiin

Dhinac kale gawaarida gurmadka deg deg ah ayaa ku sii qulqulaya Jaamacadda iyadoo ay jiraan khasaaro iskugu jira dhimasho yo dhaawac oo soo gaaray ardayda Jaamacadda, kooxda Al-shabaab ayaa marar badan waxaa ay weeraro ka fuliyeen gudaha magaalada Gaarisa iyo magaalooyin kale ee Kenya ka tirsan, ilaa iyo intii ay ciidammada Kenya ay galeen gudaha Soomaaliya.

A/cawaale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
April 2015
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
27282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online