Dooni sida Soomaali ka soo carartay dagaalada Yemen oo soo gaartay Boosaaso (Masawiro)
April 1, 2015 - Written by EditorBoosaaso:-Waxaa Dekadda weyn ee magaalada Boosaaso ee xarunta gobalka bari soo gaartay Dooni siday 62 ruux oo soomaali ah kuwaasi oo kasoo cararay dagaalada iyo duqeymaha ka socda dalka Yemen oo ay mudo dheer ku noolaayeen.
Dadka Soomaaliyeed ee ka soo cararay dalka Yemen ayaa waxaa ay iskugu jiraan Haween, Carruur, dad waayeel ah iyo kuwo xanuunsan oo aad u liidatay waxaana qaar ka mid ah loo qaaday qaar ka mid ah isbitaalada magaalada Boosaaso.
Dadweynaha soo gaaray maanta Dekadda weyn ee magaalada Boosaaso ee xarunta gobalka bari ayaa waxaa si diiran u soo dhaweeyey Maamulka Gobolka Bari iyo kan Degmada Boosaaso iyo Hay’adaha Samafalka ee ka howlgalada magaalada Boosaaso.
no images were found
Guddoomiyaha Gobolka Bari ee dowladda Puntland C/samad Maxamed Gallan oo la hadalay saxaafada isaga oo ku sugan Dekadda weyn ee magaalada Boosaaso ayaa sheegay in Dowladda Puntland ay u diyaar garowday soo dhaweynta shacabka Soomaaliyeed ee ka soo cararaya dagaalada iyo duqeynta ka socda dalka Yemen.
M_M Deeq
Halgan.net