Dowlada Federaalka iyo Puntland oo heshiis kala saxiixday (Masawiro + Video)

April 12, 2015 - Written by Editor

IMG_6430Garoowe:-Waxaa booqasho qaadatay 10 -12 Abriil 2015 ku yimid magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland wafdi ka socda Dawladda Federaalka oo uu hogaaminayo Ra’iisal Wasaaraha Dawladda Soomaaliya, Mudane Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaake, kulanka wada-xaajoodka oo dhexmarey wafdiga Ra’iisul Wasaaraha iyo Dawladda Puntland,  waxaa la isku raacay war-muurtiyeedkan:

  1. Fulinta iyo hirgalinta heshiisyadii horey loo galay

Dawladda Federaalka Soomaaliya iyo Dawladda Puntland waxay isku afgarteen dardar-galinta dhammaan heshiisyadii ay horay u gaareen labada dhinac , oo uu ugu danbeeyay heshiiskii ay wada galeen labada dhinac 14kii October ee sanadkii 2014. Si arrintaasi loo gaaro waxaa la magacaabay guddi isku-dhaf ah oo ka shaqeeya hirgelinta heshiisyadaas,waxaana la soo dhoweeyey wixii ka qabsoomay heshiisyadii la galay.

  1. Shuruucda ay DFS soo saarto iyo samaynta guddiyadda heer qaran

Waxaa la isku raacay in dawladaha xubnaha ka ah Dawladda Federaalka Soomaaliya lagala tashado xeerarka uu ansixiyo Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya iyo dhismaha guddiyada madaxa bannaan ee heer qaran, sida uu qabo Dastuurka Federaalka, Qodobkiisa 111aad, Farqaddiisa 2aad.

 

  1. Dhismaha dawladaha xubnaha ka ah Dawladda Federaalka Soomaaliya
  • Dhismaha dawladaha xubnaha ka noqonaya Dawladda Federaalka Soomaaliya waxaa loo marayaa si waafaqsan Dastuurka Federaalka Soomaaliya.
  1. U diyaar garowga iyo qabashada madasha wadatashiga madaxda sare ee DFS iyo dawladaha xubnaha ka ah.
  • Sidii lagu heshiiyey shir-madaxeedkii ka dhacay Muqdisho 6dii Febraayo 2015, waxaa lagu qaban doona kulanka madasha wadatashiga madaxda sare magaalada Garoowe bisha Abriil 2015, waxaana la isla gartay in guddiyadii farsamo ee horey la iskugu waafaqay ay soo dhamaystiraan taabbagalinta hawlaha madasha heer qaran.
  1. Dhismaha ciidan qaran oo ummadda u dhexeeya
  • Si loo dhiso ciidan qaran oo leh sumad qaran waxaa laysku afgartay in sadex kun (3000), oo askari loo qoondeeyey Dawladda Puntland.
  1. Doorka Puntland ee Wadahadalada Dawladda Federaalka iyo Maamulka Somaliland
  • Waxaa lasoo dhaweeyay sida Dawladda Soomaaliya ay u maamulayso wadahadalka lagula jiro Somaliland iyo mowqifka ay iska taagtay wadahadaladii ugu danbeeyey.

    no images were found

  1. Is-kaashiga hay’adaha dawladda Federaalka soomaaliya iyo Dawladda Puntland.
  • Labada dhinac waxay ku heshiiyeen inay si toos ah iskaashi iyo wadashaqayn buuxda u yeeshaan wasaaradaha labada dhinac sida:
  • Arrimaha dastuurka
  • Qaybsiga deeqaha caalamka iyo waxbarashada
  • Iskaashiga qorshaha qaranka
  • Siyaasadda Isgaadhsiinta qaranka.Hoos ka Daawo Heshiiska ay kala saxiixdeen DFS iyo dowlada Puntland


Xafiiska Warfaafinta, Wacyigelinta, Hiddaha Iyo Dhaqanka ee Madaxtooyada Puntland.

Leave a comment

*

Archives
April 2015
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
27282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online