Dowladda Puntland oo Markabkii ugu horeeya ee ilaalin doona Xeebaha badda Puntland dirtay.[Masawiro]

April 22, 2015 - Written by Editor

3Boosaaso:-Waxaa maanta Dawladda Puntland ay u dirtay Markab Ilaalin doona kheyraadka Xeebaha deegaanada Puntland oo xaalufin badan ay ku wdaan Maraakiib Ajnabi ah oo si sharci daro ah uga gurta khayraadka kale duwan ee dhex ceegaaga xeebaha Soomaaliya ee hodanka ah.

Markabkaan ayaa ntuu uusan ka dhaqaaqin dekadda Boosaaso waxaa saxaafadda la hadlay Wasiirka Kalluumaysiga iyo Khayraadka badda dowladda Puntland Cabdinuur Cilmi Biindhe isagoo sheegay i qof walba ay waajib ku tahay in la difaaco badda loona adeeg dalka.

Wasiirka Kalluumaysiga iyo Khayraadka badda Puntland Cabdinuur Cilmi Biindhe ayaa sidoo kale xusay in beesha caalamka iyo cid walba ay u sheegeen in badda Soomaaliya iyoxeebaha Puntland si sharci daro ah looga kaluumaysto taasana waxba laga qaban waayey sidaas darteedna ay waajib tahay dadka in ay difaacdaan kheyraadkooda iskuna miidaamiyaan kuwa boobaya ee u soo shaqo tegay.

Markabkaan loogu tala galay in uu ilaaliyo xeebaha Puntland ayaa waxaa saaran Ciidamo tababaran oo tababaro kale duwan ku soo qaatay dalka Jabuuti waxaan barmaamijkaan iska kaashaday Hay’ad Wadani ah ee Somali Security Service ,Ciidamada Puntland iyo Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Khayraadka badda Puntland.

Wasiirka Kalluumaysiga iyo Khayraadka badda Puntland Cabdinuur Cilmi Biindhe ayaa yiri ” Ciidamadaan waxaa ay u socdaan howl qaran askarigii howshaas ku dhintana waa Shahiid Dowladduna waa ka go’an tahay in ay fuliso oraahdii Madaxweyne Gaas ee ahayd aan isku tashano.”

Daahfurka Markabkaan oo saaka ka dhaqaaqay dekadda magaalada Boosaaso ayaa waxaa goobta ku sugnaa Guddoomiyaha Gobolka Bari Cabdisamad Maxamed Galan iyo Duqa degmada Bosaso Xassan Cabdala Xassan, Taliya Ciidanka Gobolka Bari ,Saraakiil ciidan iyo Madax Hay’ada SSS Cabdiwali Cali Taar dhamaantoodana waxaa ay soo dhaweeyeen in si adag loo ilaaliyo xeebaha badda Puntland.

no images were found

M_M_Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
April 2015
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
27282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online