Duqa degmada Carmo Maxamed Cali Shire oo gurigiisa la weeraray
April 5, 2015 - Written by EditorBoosaaso:-Wararka caawa naga soo gaaraya magaalada Bosaaso ee xarunta gobalka Bari ayaa sheegaya in caawa bam gacmeed lagu tuuray bar kontrool oo ciidanka amniga u taalay ka soo horjeedka farmashiye Karaama oo ku yaal Agagaarka xarunta gobolka Bari.
Weerarka labaad waxaa uu ka dhacay guri uu deganaa Duqa degmada Carmo Maxamed Cali Shire oo ku yaal galbeedka magaalada Boosaaso halka loo yaqaaan Baalade waxaana weerarka dhaawac fudud uu ka soo gaaray gudoomiyaha Degmada Carmo ,mid ka mid ah ilaaladiisa waxaa uu ku dhintay weerarka.
Ciidanka amaanka ee magaalada Boosaaso ayaa weerarka ka dib howlgalo ka fuliyey halka uu weerarka ka dhacay .
Ilaa haatan ma jiraan cid ka tirsan masuuliinta Puntland oo ka hadlay weerarka lagu qaaday guriga gudoomiyaha Degmada Carmo.
M_M Deeq
Halgan.net