Golaha Ardayda ka baxday Machadka Ibnu Kathiir ee Ceerigaabo oo Deeq Kutub ah wareejiyey.[Masawiro]

April 12, 2015 - Written by Editor

IMG-20150411-WA0023Ceerigaabo:-Golaha Ardayda ka baxday machadka ibnu katheir Ceerigabo ayaa deeq kutub ah ku wareejiyay naadiga akhris ka, qoraalka, hidaha iyo dhaqanka ANFAC ee xarunta Gobolka Sanaag deeqdaas ayaa waxa wareejiyay gudoomiyaha multaqaha Thaabit Sheekh Maxamed iyo Gudoomiyaha xiriirka Multaqaha taas oo ay ku wareejiyeen madaxa Maktabadda Siciid cabdalle.

Waxaana goob joog ka ahaa gudoomiyaha Naadiga ANFAC Caydaruus Maxamuud Cismaan iyo xubno ka tirsan bahda naadiga ANFAC halkaas oo ay hadalka isaga danbeeyen maxada maktabadda Siciid Cabdalle iyo gudoomiye Caydaruus Maxamuud Cismaan, hadalkaasoo biya dhiciisu ahaa Amaan, Mahadnaq iyo Dhiirri-gelin iyo in aan laga daalin deeqaha noocan oo kale ah.

Waxaa isaguna kelmed munaasib ah goobta ka yiri Gudoomyaha Multaqaha Thaabit Sh.Maxammed Cali Biixi wuxuuna balan qaaday inay naadiga akhriska, qoraalka hidaha iyo dhaqanka ANFAC la garab taagnaan doonan hiil iyo hooba, Naadiga Ayaa qayb ka ah horumarka baahsan ee la taaban karo ee ka jira magaalada ceerigaabo ee xarunta Gobolka Sanaag.

Sidoo kale Golaha ardayda ka baxday machadka ibnu kathiir iyo naadiga ayaa xidhiidh fiicani ka dhexeeyaa iyagoo iska kaashaday olalihii la dagaallanka Qaadka iyo Qabyaaladda.

no images were found

Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
April 2015
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
27282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online