Golaha wasiirada ayaa ansixyey hindise sharciyeedka qeexaya qorista shaqaalaha shisheeyaha ah (Masawiro)

April 23, 2015 - Written by Editor

IMG_2666Muqdisho:-Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta isugu yimid kulankoodii caadiga ahaa, waxaana shir gudoominayey ku simaha Ra’iisul Wasaaraha ahna Wasiirka Dastuurka Mudane Xuseen Maxamed Sheekh Xuseen, Shirka ayaa maanta diiradda lagu saaray Amniga guud ee dalka, iyo ansixinta hindise sharciyeed qeexaya dadka u imaanaya dalka inay ka shaqeeyaan iyo shuruudaha laga doonayo.

shirka golaha oo socday saacado badan ayaa waxaa maanta la horkeenay taliyeyaasha ciidamda, si wax looga weydiiyo xaaladaha amni ee dalka gaar ahaan caasimada iyo qaabka ugu haboon ee loo sugi karo amaanka.

Golaha ayaa aad uga dooday arrimaha amaanka oo xukuumadda ugu jira mudnaanta koowaad, waxayna warbixino ka dhagaysteen taliyeyaasha Booliska, Nabadsugida, iyo Abaanduulaha ciidanka xooga dalka Soomaaliya.

Hayadaha amniga ayaa ka warbixiyey sida ay habeen iyo maalin ciidanku diyaar ugu yihiin wax ka qabashada amniga, hadana ay dhici karto in nabad diidku ay gaystaan falal is qarxin ah oo ay la beegsanayaan dadka shacabka meelaha ay isugu yimaadaa. Sidoo kalana looga fadhiyo shacabka iney xiriir joogta la yeeshaan Hay’adaha amniga si wada jir looga qayb qaato ilaalinta nabad galayada shacabka Soomaaliyeed.

Wasiirka gaashaandhiga ayaa ka warbixiyey dadaalka ay wado wasaaradiisa oo ku aadan isku dhafka ciidamada ku kala firirsan gobolada dalka, wuxuuna wasiirku sheegay in ay meel fiican maryso isla markaan ay ku rajo weyn yihiin in la helo ciidan qaran, wuxuu dhanka kale sheegay wasiirka Gaashaandhigu in ay ku howlan yihiin sidii ay ciidamda u xoojin lahaayeen looguna heli lahaa qalab dhamaystiran oo ay ku howl galaan.

Ugu danbayntii golaha wasiirada ayaa ka dooday hindise sharciyeed ay soo diyaarisay wasaarada shaqada iyo shaqaalaha oo ku saabsan shaqaalaha ajaanibta ah ee ka shaqeeya dalka, waxaana sharcigu farayaa dadka ajaanibta ah iney marka hore helaan dal ku gal, kadiba la siiyo ruqsad shaqo iyo ineysan qaban karin shaqo xirfadeed uu qof Soomaali ah uu qaban karo, dood dheer kadib golaha wasiirada ayaa meel mariyey sharcigaan, waxaana loo gudbin doonaa golaha Baarlamaanka.

—DHAMAAD—

Waaxda Warfaafinta Xafiiska RW

Muqdisho, Soomaaliya

media@opm.gov.so

Leave a comment

*

Archives
April 2015
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
27282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online