Khasaaraha Weerarka Garissa oo gaaray 70 qof dhimasho 79 Dhaawac (Daawo)
April 2, 2015 - Written by EditorUgu yaraan 70 qof ayaa ku dhimatay in kabadan 70 qof oo kalena way ku dhaawacmeen weerar ay ururka al-Shabab ku qaadeen Jaamacadda magaalada Gaarisa, sida uu sheegay wasiirka arrimaha gudaha Kenya.
Dableyda ayaa wali gudaha ugu jirta jaamacadda, waxayna ku dhex-haystaan arday aan tiradooda wali la sheegin. Ciidamada amniga ayaa iyaguna ku hareeraysan jaamacadda, waxaana socda howgallo ay doonayaan inay gudaha ugu galaan kuna soo bad-baadiyaan dadka ku jira Jaamacadda.
Ururka Al-Shabab ayaa sheegtay mas’uuliyadda weerarka. Magaalada Gaarisa waxay bartilmaameed u ahayd weerarro is xigxiga oo ay qaadayeen ururka Al-Shabab tan iyo intii ay farageliyeen ciidamada Kneya Soomaaliya sannadkii 2011-ka.
VOA Somalia
Halgan.net