Ku Simaha Madaxweyanaha “Shacabka Iyo Dowladda Puntland Marna Yeysan Niyad Jebin”

April 20, 2015 - Written by Editor

JawaariMuqdisho:-Ku simaha Madaxweynaha Dalka ahna Gudoomiyaha Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaariayaa cambaareeyey weerarkii argigxisanimo ee maanta ka dhacay magaalada Garoowe ee caasimadda dowlad goboleedka Puntland ee Soomaaliya.

“hor iyo horaan waxaan doonayaa inaan xanuunka iyo murugada la wadaago shacabka iyo maamulka Puntland aniga oo ku hadlaya magaca MadaxweynahaJamhuuriyadda, magaceyga, magaca Guddoonka Baarlamaanka iyo magaca Xildhibaanada Golaha Shacabka, waxaan si buuxda u cambaareynayaa falkaas argigixisada ah ee maanta ka dhacay gudaha magaalada Garoowe” ayuu hadalkiisa ku bilaabay ku simaha Madaxweynaha Dalka.

“sidoo kale waxaan u tacsiyadeynayaa Shaqaalaha iyo hogaanka QM oo aan uga tacsiyadeynayo geerida shaqaalihii ka tirsanaa waxaan doonayaa in aandareensiiyo ineysan fulin u jeedada ay argigixisadu ka laheyd weerarkan ooah in la hor istaago hormarka iyo gargaarka ay la garab taagan yihiin shacabka Soomaaliyeed, waxaanna idiinku boorinayaa inaad sii wadaanshaqadiina oo aysan saameyn falkan bahalnimo”ayuu hadalkiisa sii taaciyey ku simaha Madaxweynaha Dalka ahna Gudoomiyaha Baarlamaanka.

Ugu dambeyn ku simaha Madaxweynaha Dalka ahna Gudoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa ugubaaqay shacabka,hay’adaha ammaanka iyo hogaanka dowlad goboleedka Puntlandiney meel uga soo wada jeestaan cadawgooda islamarkaana marna aysan niyadjebin oo falalka argigixisonimo hor istaagin hormarkooda.

—DHAMMAAD—

Xafiiska Warfaafinta iyo Xiriirka Dadweynaha Ee Guddoonka Baarlamaanka

Media and Public Relation Office Of Speaker

Email:- Media@parliament.gov.so

Leave a comment

*

Archives
April 2015
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
27282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online