Kulan cilmiyeed loo qabtay ardayda dugsiyada sare ee magaalada Boosaaso.[Masawiro]

April 16, 2015 - Written by Editor

IMG_3108Boosaaso:-Waxa maantay oo Khamiis ah lagu qabtay Markazka wayn ee Rowda kulan cilmiyeed loo qabtay ardayda dhigata dugsiyada sare ee magaalada Boosaaso ee xarunta Gobolka Bari. Kulankan oo qayb ka ah Nadwo cilmiyeedka sanadlaha ah ee ka bilaab matay magaalada Boosaaso, oo ay soo qaban qaabisay Mu,asasada Al-Minhaaj qaybta Goblka Bari. Kulankan ardayda dugsiyada sare loo qabtay ayaa cinwaankiisu ahaa (الشيعة تاريخ وحقائق).

Dr Xasan Sh Cali Warsame oo qaybta hore ee kulanka qaatay, ayaa ugu horayn ka waramay Macnaha erayga shiico, isagoo tilmaamay inay tahay taageere. Intaa ka dib waxa uu shiikhu guda galay inuu tilmaamo qaar ka mid ah wax yaalaha ay aamin san yihiin shiicadu, shiikha oo tilmaamaya ayaa waxa hadaladiisii ka mid ahaa:-

1- Waxay amin sanyihiin in uu cali ka fadli badanyahay cismaan waxaana fikrikaa kenay cabdulaahi binu saba wuxuuna gaaray in cali ilah uu ka dhigo.

2.Quraanka alle waxay ka qabaan in uu makhluuq yahay sidoo kale naaqis yahay.

3-In ay saxaabada gaalaysiiyaan, waxayna khilaafsanyihiin nusuus aad u badan oo ka hadalysa saxaabada fadligooda in ay caadiliin yihiin.

4-Waxa ka mid ah caqiidadooda (Caqiidatu Rajca) waxayna dhaheen a,imadeena way soo laaban doonaan, waxaana losoo noolaynayaa abubakr iyo cumar iyo caaisho ka dib way dilayaan.
5- Waxa ka mid ah caqiidadooda (Caqiidatu Badaa,ah) , waxa weye in ilaah uu wax u muqdaan uusan horay u ogayn.

Intaa ka dib shiikhu waxa uu ka waramay waxa ay shiicadu ahlu sunaha ka aminsanyihiin, isagoo ka waramayana wuxuu yir:-

1.Waxay naga aminsanyihiin in aanu gaalo nahay, waxayna dhahaan nawaasibta(oo ay ahlu sunaha ula jeedaan): wa gaalo, qaarkoodna waxay dhaheen khilaaf ayaa ku jira.

2.Waxay naga aaminsanyihiin in qofka ahlu sunaha ah u dhiigsa iyo maalkisuba banaan yahay.

3.Waxay naga aminsanyihiin in aanu nahay : Dhoofaaro iyo ay.

Intaa ka dib waxa hadalka qaatay shekh axmed cabdisamed oo isaguna ka hadlay ugu horayn sababta loo doortay in darsigaan ardayda loo jeediyo, wuxuuna ku sababeeyay.

1. In ardadu leedahay aqoon , ayna ka duwan yihiin bulshada caamada ah.

2. In codowgu iyo afkaaraha khaldan inta badan ay ku wajahan yihiin dhalin yarada.

3. In dhalin yaradu ay awood uleeyiin inay bulshada badalaan, waayo waa jiilka soo ka caya.

Intaa ka dib shiikhu waxa uu soo jeediyay talooyin looga hor tagayo khatarta shiicada, waxaana talooyinkiisa ka mid ahaa:-

1. Waxyaabaha nalo adegsan doono waxaa ka mid ah in ay na dhahaan ahlu bayta ayaanu difaacaynaa, taas anaagaa ka mudan inaan difaacno ahlubaytka.

2. Saydi cali rcn waxay dhaheen waa imaam macsuum ah, madax tinimadana sadexdii khaliif ee ka horaysay way ka dhaceen, waxaan hadaba leenahay muxuu imam cali becada ula galay, uuna ula shaqay nayay.

3. Qabyaalada waa meelaha ay naga soo galaan waa in aanu iyadana iska ilaalino.

4. Waa in aanu la dirirno daroogada madama qofka cuna uusan is xakameen karin.
5. Wa in diinta la barto si gaar ahna caqiidada, waliba gaar ahaan firaqda.

6. Isku duubni iyo in culimada lagu xirnaado.

Ugu danbayntii shiikhu waxa uu la dardaarmay ardaydii dhagaysanaysay darsiga.

no images were found

Mu’ssat Al-minhaaj
Bosaaso.Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
April 2015
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
27282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online