Kulan cilmiyeed loo qabtay dallada Ardayda ka baxday Macaahida sharciga oo lagu qabtay Masjidka Rowda.[Masawiro]

April 22, 2015 - Written by Editor

???????????????????????????????Boosaaso:-Kulanka ayaa waxaa soo agaasimay maamulka Mu’asasada Al-minhaaj iyo maamulka dallada Ardayda ka baxday Macaahidda Soomaaliya, waxaana loo qabtay kulanka dhammaan ardayda ka baxday Macaahida Soomaaliya ee joogta magaalada Boosaaso iyo munadama Kawthar.

Kualnkan ayaa waxaa ka soo qayb galay Gudoomiyaha golaha fulinta ee Jamacada Al-Ictisaam ahna Guddoomiyaha Raabidada Macaahida Sharciga ah ee Soomaaliya Sh.Axmed Cabdi samed Cabdulle, Dr.Xassan Sheekh.Cali Warsame, Guddoomiye Ku xigeenka Mu’asasada Al-karam Sh.Maxamed Deeq Xuseen, Guddoomiyaha Mu’asasad Al-Minhaaj ustaad Maxamed C/laahi Cabdulle, Maamulka Munadamada Kawthar ee waxbarista Dumarka iyo Taakulaynta Masaakiinta, Guddoomiyaha Dalladda ardayda ka baxday Macaahidda sharciga ah ee Soomaaliya C/raxmaan Xassan Yuusuf, gudoomiyaha Golaha fulinta ee Raabidada ardayda ka baxday Machadka Ibnu-Xajar Nasrudiin Maxamed Cabdulaahi iyo Guddoomiyaha golaha asaasayaasha Raabidada ardayda ka baxday Machadka Ibnu-Xajar ahna Guddoomiyaha Rafcaanka Maxkamadda Gobolka Bari Axmed Cali Axmed.

Ugu horayn ayaa waxaa lagu furfurtay kulanka ayaado Quraanka Kariimka ah waxaan akhriyay Maxamed Xassan Salaad, aayaadkaas Quraanka ah ka dib ayaa waxaa hadalka qaataySh.Maxamed Deeq Xuseen Cali gudoomiye ku xigeenka Mu,sasada Al-Karam isagoo kala hadlay dhamaan kasoo qayb galayaashii kulanka isugu yimid ka shaqaynta dacwada, sidoo kale wuxuu warbixin kooban ka bixiyay Mu’asasada Al-Karam waxqabadkeeda iyo Jamciyadda Nasiixo ee Dacwada dumarka magaalada Hargaysa maamusha.

Intaa kadib waxaa kulanka xog-waran kooban iyo muxaadaro ka jeediyay Sheekh.Axmed Cabdisamad, Muxaadarada cinwaankeedu wuxuu ahaa التأصيل العمل الدعوي الجماعي isagoo sheekhu ka hadlay dhinacyo kala duwan oo khuseeya cinwaanka, si gaar ahna sheekhu wuxuu ula dardaarmay munadamada Kawthar.

Cabdikariim Sulaymaan Cali ayaa isaguna ku hadlay magaca Raabidada ardayda ka baxday machadka ibnu xajar al casqalaani ee magaalada boosaaso isagoo sheegay dareenkiisa kaga aaddan kulanka,wuxuuna xusay in ay aad ugu farax sanyahay culimada martida u ah ee safarka ku timi ee kulanka nala joogta iyo dhamaanba ardayda ka baxday macaahidda Soomaliya ee jooga magalada bosaso, wuxuu intaa raaciyay in ay dhawaan booqon doonaan Magalada Burco oo lagu walaaleeyay magaalada bosaaso shirkii Laascaanood.

Waxaa ugu danbayntii hadalka qaatay C/raxmaan Xassan Yuusuf, wuxuuna ka warbixiyay Dallada ardayda ka baxday Macaahida Sharciga ah ee Soomaaliya heerarkii kala duwanaa ee ay soo martay iyo waxyaabihii u qabsoomay Dallada Siddeeddii biloodee lasoo Dhaafay, Wuxuuna Culimadii safarka ku timid madasha ku Gudoomsiiyay hadiyado ay Dalladda iyo Munadamada Kawthar ugu tala Galeen Culumada.

Dhanka kale ayaa waxaa iyaguna ka hadlay madasha kasoo qayb galayaashii kulanka loo qabtay iyagoo sheegay in ay aad ugu faraxsanyihiin kulanka.

no images were found

Madaxa warbaahinta dallada Ardayda
ka baxday Macaahida Soomaaliya

Leave a comment

*

Archives
April 2015
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
27282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online