Maamulka Dugsiyada Hoose dhexe iyo Sare ee Gateway oo soo bandhigay adeegyada aqooneed.[Masawiro]
April 13, 2015 - Written by EditorLaascaanood:-Maamulka dusgigan ayaa soo Sh.C/Naasir Maxamed Xassan ayaa warbixin dheer oo muqaal ah u soo gudbiyay bulshada adeegyada aqooneed iyo tayada waxbarasho ee uu bulsha u keeney . Muuqaal Documentary ah oo waqi dheer ah ayuu ku soo bandhigay waxbarashada dugsiga Ardayda dhigata iyo qaabka uu wax u baraan macallimiinta wax ka dhiga .
Dugsigan oo ka mida goobaha waxbarasho ee ku yaalla laascaanood kuwa ugu tayada wanaagsan ayaa a aas aasay sanadkii 2003 . xiligaa oo uu ku billaabay macallimiin ajaanib ah , kuwaasoo ku dhigi dugsigan aqoon heer sare ah , isagoo manhajkiisu uu ku baxo luuqada Ingiriisiga.
Imika wuxuu furan yahay 12 sano , wuxuu soo saaraya arday aad u tayo wanaagan kuwaso bulshada maanta u adeega , sidoo kale wuxuu dugsigani uu ku caan baxay waxyaaabo badan oo ka duwan dugsiada kale ee gobolka .
Wuxuu ku caan baxay nidaam tayo wanaaagsan , arday akhlaaqdooda la saxo , iyo kala danbayn. Ugu danbayntii , dugsigani wuxuu leeyahay faracyo kala duwan , kuwaasoo isugu jira Xadaano , sugsi hoose , dhexe iyo dugsi sare.
no images were found
Mawliid Ismaaciil Haradigeed
Laascaanood , Somalia