Maamulka Ximan iyo Xeeb oo ka soo horjeestay go,aanka Madaxweynaha DFS

April 9, 2015 - Written by Editor

cadaadoCadaado:-Cadaado:-Af-hayeenka Maamulka Ximan iyo Xeeb Carey Ciise ayaa markii ugu horeysay ka hadlay go,aanka Madaxweynaha DFS oo ahaa in caasimada Maamulka gobalada dhexe laga dhisayo uu noqdo Degmada Dhuusa mareeb.

Carey Ciise Af-hayeenka Maamulka Ximan iyo Xeeb oo la hadlay Warbaahinta ka howlgasha gudaha magaalada Muqdisho ayaa sheegay in ay ka shirayaan Maamul u sameynta Gobolada dhexe iyo go,aanka Madaxweynaha DFS uu shalay kaga dhawaaqay Degmada Dhuusamareeb .

Af-hayeenka Maamulka Ximan iyo Xeeb Carey Ciise ayaa sheegay in ay muhiim tahay in dhismaha Maamulka Gobolada dhexe loo daayo shacabka ku dhaqanka gobaladaas wuxuuna ka soo horjeestay go,aanka Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud wuxuuna yiri“Wadatashi u fadhinaa war cad ayaa ka soo saari doonaa arrimaha shirka iyo waxa uu ku dambeeyo iyo arrimo kale ayaa soo sareynaa, wax alla wixii ka halaaba dadka gobolada Mudug iyo Galgaduud waxaa ka mas’uul ah madaxweynaha Soomaaliya”.

Madaxweynaha Dowlada Federaalka Soomaaliya iyo qaar ka mid ah Odayaasha Dhaqanka Gobolada Dhexe ee shirka uga socday Degmada Dhuusamareeb ayaa ku heshiiyey in xarunta Maamulka gobalada dhexe ay noqoto Degmada Dhuusamareeb halka shirka Maamul u sameynta gobalada dhexe lagu qaban doono Degmada Cadaado 11-bishan 2015.

Khilaafka u dhexeeya Masuuliinta gobalada dhexe iyo siyaasiyiinta ayaa maraya meel xasaasi ah waxaana la wada dhowrayaa halka uu ku biyo shubto balse waxaa is weydiin leh waxay ku kala duwan yihiin Cadaado iyo Degmada Dhuusamareeb oo ka mid ah dalka Soomaaliya .

A/Cawale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
April 2015
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
27282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online