Madaxwaynaha DFS Xasan Sh Maxamuud oo furay shirka arrimaha Somalia.[Masawiro]
April 30, 2015 - Written by EditorGarowe:-Madaxweynaha dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, Xasan Sh.Maxamuud ayaa maanta furay wajiga labaad shirka wadatashiga dowladda dhexe ee Soomaaliya iyo maamullada dalka ka jira Madaxweyne Xassan Sheekh Maxamnuud ayaa shirka uu furay ee wadatashiga waxaan goob joog ka ah madaxweynayaasha maamulada Puntland,Jubaland, iyo Koonfurgalbeed Soomaaliya.
Shirka wadatashiga ee ka furmay saaka magaalada Garowe ee xarunta dowlada Puntland waxaa uu socon doonaa muddo laba maalmood ah . Madaxweynaha DFS Xasan Sh Maxamuud ayaa khudbad dheer ka jeediyey shirka waxaana uu khudbadiisa uga hadlay arrimaha amniga, dhammaystirka maamullada, hirgalinta federaalka iyo hiigsiga sannadka 2016-ka.
Mas’uuliyiinta maamullada Puntland,Jubaland iyo Koonfur galbeed Soomaaliya ayaa sidoo kale ka jeediyey khudbooyin kala duwan waxayna uga hadleen ahmiyadda iyo ujeeddiynka shirka wadatashiga ee u dhexeeya DFS iyo maamullada dalka ka jira
Shirka wadatashiga dowladda dhexe ee Soomaaliya iyo maamullada Puntland,Jubaland iyo Koonfur galbeed Soomaaliya ayaa waxaa ka socdaa xarunta wasaarada caafimaadka ee Puntland .
no images were found
M_M Deeq
Halgan.net