Madaxwaynaha DFS Xasan Sh Maxamuud oo furay shirka arrimaha Somalia.[Masawiro]

April 30, 2015 - Written by Editor

Garowe:-Madaxweynaha dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, Xasan Sh.Maxamuud ayaa maanta furay wajiga labaad shirka wadatashiga dowladda dhexe ee Soomaaliya iyo maamullada dalka  ka jira Madaxweyne Xassan Sheekh Maxamnuud ayaa shirka uu furay ee  wadatashiga waxaan goob joog ka ah madaxweynayaasha maamulada Puntland,Jubaland, iyo Koonfurgalbeed Soomaaliya.

Shirka wadatashiga ee ka furmay saaka magaalada Garowe ee xarunta dowlada Puntland waxaa uu socon doonaa muddo laba maalmood ah . Madaxweynaha DFS Xasan Sh Maxamuud ayaa khudbad dheer ka jeediyey shirka waxaana uu khudbadiisa uga hadlay  arrimaha amniga, dhammaystirka maamullada, hirgalinta federaalka iyo hiigsiga  sannadka 2016-ka.

Mas’uuliyiinta maamullada Puntland,Jubaland iyo Koonfur galbeed Soomaaliya ayaa sidoo kale ka jeediyey khudbooyin kala duwan waxayna uga hadleen ahmiyadda  iyo ujeeddiynka shirka wadatashiga ee u dhexeeya  DFS iyo maamullada dalka  ka jira

Shirka wadatashiga dowladda dhexe ee Soomaaliya iyo maamullada Puntland,Jubaland iyo Koonfur galbeed  Soomaaliya ayaa waxaa ka socdaa xarunta wasaarada caafimaadka ee Puntland .

no images were found

M_M Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
April 2015
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
27282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online