Madaxwayne Xasan oo ka qeyb galaya shir maxadeed lagu dhiirigalinayo nabadda Caalamka

April 23, 2015 - Written by Editor

1Istanbul :-Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka ee Soomaaliya , Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Istanbul kaga qeybgalaya shir madaxeed lagu dhiirigelinayo nabadgelyada adduunka iyo xuska guushii ciidammadii Turkiga, xilligii Boqortooyadii Cusmaaniyiinta ay ka gaareen Dagaalkii 1aad ee Dunida.

Madaxweynaha iyo qaar ka mid ah hoggaamiyeyaasha dunida ayaa ka qeybgeli doona munaasabadaha shirka iyo xuska isugu jira oo si rasmi ah u bilaaban doona maalinta beri oo ku began 23-ka bisha April.

Waxaa la filayaa inta munaasabadahan ay socdaan in Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu kulamo la qaato madaxda Turkiga iyo hogaamiyeyaasha kale ee ka soo qeybgalaya.

no images were found

Madaxweynaha waxaa socdaalkiisa ku wehliya mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka ee Soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa intaanu imaan Turkiga, waxaa uu magaalada Aqaba ee dalka Jordan kaga soo qeybgaley shir madaxeed looga hadlayey amniga Geeska Afrika iyo qaababka ugu habboon ee looga hortagi karo argagixisada.

-DHAMMAAD-
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
April 2015
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
27282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online