Madaxweynaha DFS iyo Madaxweynaha Puntland oo Shirja,raaid ku qabtay Garoowe (Dhageyso)
April 28, 2015 - Written by EditorGaroowe:-Madaxweynaha dowlada Federaalka Somalia Xasan Sh Maxamuud oo maanta gaaray magaalada Garowe ayaa waxaa la hadlay saxaafada wuxuuna ka warbixiyey ujeeda socdaalkiisa wuxuuna ka hadlay arimo kala duwan .
Madaxweynayaasha dowlada Federaalka iyo Madaxweynaha Puntland Dr. C/weli Maxamed Cali Gaas ayaa si wada jir ah shirjaraa,id ugu qabtay xarunta aqalka madaxtooyada Puntland ee Garowe waxayna ka hadleen xaalada Soomaaliya ,wadatshi laga sameyn doono Higsiga 2016 iyo dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab.
Magaalada Garowe ee xarunta Puntland aya waxaa birito ka furmi doona wejiga labaad ee shirka DFS iyo dowladaha qaybta ka ah federaalka Soomaaliya.
Madaxweynaha DFS ayaa waxaa uu ku booriyey Puntland dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab isaga ku tilmaamay Al-Shabaab urur u taagan xasuuqa umada Soomaaliyeed wuxuuna sheegay in ay ku jiraan maalmihii u danbeeyey iyaga ku soo koobay dagaalkooda gumaadka shacabka rayidka ah iyaga qaraxyo la beegsada hotelada ,iskuulada iyo Maqaaxiyadaha .
Madaxweynaha DFS Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab ay garab ku siin doonaan Puntland wuxuuna ugu baaqay shacabka in ay la shaqeeyaan ciidamada amaanka .
Madaxweynaha DFS ayaa dhanka kale eedeeyey kooxda xuutiyiinta oo xukunka xoog ku maroorsaday wuxuuna sheegay in ay ka xun yihiin dhibaatada ku dhacaday shacabka Yemen iyo qoxootiga Soomaaliyeed ee ku dhiban Yemen wuxuuna si cad u sheegay in DFS ay wado Gurmad loo sameynayo qaxootiga Soomaalida ku harsan dalka Yemen.
Hoos Ka Dhageyso Madaxweynaha DFS iyo Madaxweynaha Putland oo Shirja,raaid ku qabtay Garoowe
[audio:http://k003.kiwi6.com/hotlink/kedgxblrku/shir.mp3]M_M Deeq
Halgan.net