Madaxweynaha DFS oo Cambaareeyay weerarkii ka dhacay Jaamacadda Gaarisa

April 2, 2015 - Written by Editor

44Muqdisho: Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka ee Soomaaliya, Mudane Xassan Sh.Maxamuud, ayaa uga tacsiyeeyay Madaxweynaha Jamhuriyadda Kenya Mudane Uhuru Kenyatta iyo shacabkiisa, weerarkii argagixiso ee maanta lagu laayey ardey iyo ad kale oo aan waxba galabsan, jaamacad ku taalla magaalada Gaarisa ee Waqooyi Bari Kenya.

‘’Anigoo ku hadlaya magaca Jamhuriyadda Federaalka ee Soomaaliya, waxaan tacsi u diraya , murugadana la qeybsanayaa qoysaska iyo eheladdii dadkii sida arxandarrada ay u laayeen argagixisada shar- wadeyaasha ah. Waxan dadka dhaawacmey u rajeynayaa caafimaad buuxa oo degdeg ah’’, ayuu yiri Madaxweynaha.

Madaxweynaha ayaa si kulul u cambaareeyay falkan, kuna tilmaamey mid waxashnimo ah oo aan diin iyo dhaqan wax lug ah ku lahayn.

Waxaa uu Madaxweynahu intaa ku darey in weerarkan muujinayo sida loogu baahan yahay in la sii dardar-geliyo iskaashiga labada dal ee dagaalka lagu burburinayo kooxaha argagixisada oo gobolka iyo caalamkaba khatar ku ah.

“Waa hubaal inaan ka adkaan doonno argagixisada. Kenya waa dal aan walaallo nahay oo inoo soo gurmadey, taageeradaas ayayna kooxaha argagixisada ka soo horjeedaan. Ujeedka argagixisada waxa weeyaan inay ina niyad jebiyaan, taasina ma dhaceyso, oo waxaa inaga go’an inaan baabi’inno, si shacabka gobolkan ku dhaqan ay nabad iyo horumar u gaaraan”.

Madaxweynaha ayaa ugu dambeyntii sheegay in dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ay si wadajir ah u garab taagan yihiin walaallahooda reer Kenya, xilligan adag ee ay ku jiraan.

-DHAMMAAD-

Leave a comment

*

Archives
April 2015
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
27282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online