Madaxweynaha DFS oo canbaareeye qaraxi shaqalaaha UN-ka lagula beegsaday Garowe.

April 20, 2015 - Written by Editor

xassan3Muqdisho:-Madaxweynaha Jamhruiyadda Federeealka ee Soomaaliya, Mudane Xassan Sh.Maxamuud, ayaa waxaa uu si kulul u cambaareeyay weerarka maanta lagu qaaday shaqaalaha Qarammada Midooday ee magaalada Garowe. Madaxweynuhu wuxuu sheegay in weerarka lagu qaaday Qarammada Midoobay uu yahay mid lagu qaaday dadka iyo dalka Soomaaliya, gaar ahaanna ubadka Soomaaliyeed maaddaama shaqaalaha la weeraray uu xilkoodu ahaa waxbarashada carruurta Soomaaliyeed.

Madaxweynuhu wuxuu tacsi u diray eheleada iyo qaraabada dadka Soomaaliyeed ee weerarka maanta lagu dilay wuxuuna
si gaar ah tacsi ugu diray Xoghayaha Guud ee Qarammada Midoobay Ban Ki-moon iyo Madaxda dalalka ay u dhasheen Shaqaalaha Caalamiga ah ee QM ee weerarka lagu dilay.

Wuxuuna u sheegay in aan ummadda Soomaaliyeed illoobi doonin waxqabadka iyo taageerada Qaramada Midoobay iyo shakhsiyaadka naftooda u huray. Madaxweynuhu wuxuu ballan qaaday baaritaan deg deg ah in ay ciidammadaAmnigu ku sameyn doonaan qaraxa, isla markaana QM lala wadaagi doono xogta, ayadoo isla markaasna gacna furan lagu soo dhoweynayo haddii ay QM dooneyso in ay ka qeyb qaadato baaritaanka.

Wuxuu ku boorriyay Dowlad Goboleedka Puntland iyo gaar ahaan ciidanka Amniga Puntland in ay sii xoojiyaan feejignaantooda isla markaana aanay u dabcin argaggixisada oo hadda ku soo haray degaanno kooban, laguna daba jiro.

DHAMMAAD

Leave a comment

*

Archives
April 2015
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
27282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online