Madaxweynaha DFS oo kala hadlay Hiigsiga 2016 Danjire Maman Sidikou (Masawiro)
April 6, 2015 - Written by EditorMuqdisho: Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka ee Soomaaliya, Mudane Xassan Sheekh Maxamuud, xafiiskiisa ku qaabbiley Wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya Danjire Maman Sidikou. Madaxweynaha iyo wakiilka ayaa ka wadahadley xaaladda siyaasadda Soomaaliya, gaar ahaan dardargelinta barnaamijyda Hiigsiga 2016, iyo dib u heshiisiinta , hawlgallada ka dhanka ah Al Shabaab iyo arrimo kale.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay dowladda, baarlamanka , qeybaha kala duwan ee bulshada ay ku guda jiraan hawlo kala duwan oo la doonayo in lagu xaqiijiyo Hiigsiga 2016-ka, isagoo intaa raaciyey in rajada la qabo ay tahay in sannadka dambe ay qeybo ballaaran oo bulshada ka mid ah ay cod ku yeeshaan go’aaminta mustaqbalka siyaasadeed ee dalka.
no images were found
Danjire Sidikou ayaa isna soo dhoweeyay horumarka siyaasadeed ee Soomaaliya ku tallaabsatey, isagoo dhanka kalena ka hadley doorka AMISOM ee hawlaha nabad ilaalinta, taageerada ciidammada Soomaaliya iyo in beesha caalamka ay gacan buuxda ka geysato dib u dhiska Soomaaliya.
-DHAMMAAD-
Daud Aweis
Afhayeenka Madaxtooyada
Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya
Email: daweis@presidency.gov.so