Madaxweynaha DFS Oo Shacabka Turkiga Kala Qaybgalay Xuska Maalin Qaran
April 24, 2015 - Written by EditorIstanbul:-Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka ee Soomaaliya , Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Istanbul, madaxda caalamka qaarkood kagala qeybgaley xuska sannadguuradii 100-aad ee ka soo wareegtey dagaalkii Turkiga, waagii Boqortooyada Cusmaaniyiinta uu la galey quwadihii ka soo horjeeday dagaalkii 1aad ee Dunida.
Xuskan ayaa waxaa barbar socdey shir madaxeed gaar ah oo lagu dhiirigelinayo nabadgelyada caalamka.
Hoggaamiyeyaasha caalamka ayaa kulanka ka jeediyay khudbado la xiriira taariikhdii dagaalkii 1aad ee Dunida iyo sida caalamka looga dhalin lahaa nabad waarta.
Waxay madaxdan ka hadleen muhimadda adkeynta nabadgelyada caalamka, iyo in si wadajir ah loogu guntado in laga hortago colaadaha.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa intii munaasabadda ay socotey kulamo kooban la yeeshay madaxda caalamka oo uu ugu horeeyo Madaxweynaha martida loo yahay ee Turkiga, Recep Tayyip Erdoğan.
no images were found
Waxaa kale oo munaasabadda ka hadley khubarro caalami ah oo ku takhasusey taariikhda caalamka, kuwaas oo ka warbixiyey sababihii dhaliyey dagaalkii 1aad ee Dunida, iyo khataraha weli caqabadda ku ah nabadgelyada caalamka.
Daud Aweis
Afhayeenka Madaxtooyada
Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya
Email: daweis@presidency.gov.so
-DHAMMAAD-