Madaxweynaha oo soo dhoweeyay dhismaha baarlamanka jubaland

April 27, 2015 - Written by Editor

xasan-shMuqdisho:-Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka ee Soomaaliya , Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa soo dhoweeyay dhismaha baarlamanka maamulka ku meel gaarka ee Jubba oo dhowaan looga dhawaaqey magaalada Kismaayo.

“Waan soo dhoweynayaa talaabada horey loo qaadey ee dhismaha baarlamanka maamulka Jubba. Waxay tani ka tarjumeysaa sida ay inooga wada go’an tahay dhameystirka nidaamka federaalka ee dalkeena’’.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale sheegay in hanaan walba oo la dhaqangelinayo ay la soo gudboonaato caqabado iyo cabashooyin ay dadku muujiyaan, balse muhimaddu ay tahay in la helo nidaam, kadibna la xaliyo murannada iyo cabashooyinka jira.

“Dowladda Federaalka ee Soomaaliya waxay diyaar u tahay inay Maamulka KMG ee Jubba kala shaqeyso sidii loo xalin lahaa cabashooyinka ka dhashey hanaanka xulista baarlamanka ee maamulka, waxaana ujeedku uu yahay in beel kasta ay hesho saamiga ay xaqa u leedahay, baarlamankanina uu noqdo mid dadka oo dhan ay iska wada arkaan’’, ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Madaxweynaha ayaa ugu dambeyn ugu baaqey dhammaan bulshada Soomaaliyeed inay gacan ka geystaan barnaamijyada lagu hirgelinayo hanaanka federaalka iyo sugidda amniga dalka.

-DHAMMAAD-

Daud Aweis
Afhayeenka Madaxtooyada
Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya
Email: daweis@presidency.gov.so

Leave a comment

*

Archives
April 2015
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
27282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online