Madaxweynaha Puntland oo magacaabay wasiir ku-xigeen cusub (Masawiro)
April 1, 2015 - Written by EditorGaroowe:-Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa Maanta oo ay taariikhdu tahay 1-4-2015 u magacaabay Dr.Cabdillaahi Aadan Ciise Toohe Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Dekedaha Gaadiidka Badda iyo ladagaalanka burcad badeeda Puntland.
Magacaabis kadib ayaa Wasiir kuxigeenka cusub ee Wasaaradda Dekedaha Gaadiidka Badda iyo ladagaalanka burcad badeeda Puntland Dr.Cabdillaahi Aadan Ciise Toohe oo uu madaxweynuhu ku badalay wasiir ku xigeenka hore ee wasaaraddaasi Cabdirashiid Gani Cali Shire lagu dhaariyey xafiiska Madaxweynaha.
Madaxweyne Gaas ayaa xilkaan wasiir ku xigeen umagacaabay Dr.Cabdillaahi Aadan Ciise Toohe markii uu arkay aqoontiisa iyo waayo aragnimadiisa, waxaana uu haystaa shahaadada darajada koowaad ee jaamacadeed, waana aqoonyahan reer Puntland ah ahna dhakhtar muddo shan iyo labaatan sano ku dhow shaqaynayey kana howlgalay dalka gudihiisa iyo dibadiisa gaar ahaan dalalka Soomaaliya ,England iyo UAE .
Shiikh Xassan Cabdi Cilmi oo ah Xubin katirsan Maxkamada sare ee Dawladda Puntland ayaa wasiirk ku xigeenka cusub ee Wasaaradda Dekedaha Gaadiidka Badda iyo ladagaalanka burcad badeeda Puntland Dr.Cabdillaahi ku dhaariyey xafiiska Madaxweynaha.
no images were found
Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa ugu dambeyn Wasiir ku xigeenka cusub ugu hambalyeeyey xilka uu u magacaabay, waxaana uu kula dardaarmay in sida dastuurku uu farayo u guto waajibaadka shaqo ee loo idmaday.
-DHAMMAAD-
Xafiiska Warfaafinta, Wacyigelinta, Hiddaha Iyo Dhaqanka ee Madaxtooyada Puntland.