Madaxweynayaasha Jubaland iyo Koonfur Galbeed oo soo gaaray magaalada Garoowe
April 29, 2015 - Written by EditorGaroowe:-Waxaa dhawaan soo gaaray magaalada Garoowe ee caasimada dowladda Puntland ilaa labo wafdi oo ay kala hogaaminayaan madaxweynaha maamulka Jubaland Axmed Maxamed Islaan Axmed Madoobe iyo Madaxweynaha Koonfur Galbeed Shariif Xassan Sh Aadan iyagoo ka qayb geli doono shir wada tashi oo maamulada ka jira dalka Soomaaliya iyo madaxda Dowladda Federaalka Somaaliya uga furmi doona magaalada Garoowe.
Wafdiga madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaan Axmed Madoobe iyo Madaxweynaha Koonfur Galbeed Shariif Xassan Sh Aadan ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ee Garoowe ku soo dhaweeyey Madaxda ugu saraysa dowladda Puntland iyo golayaasha xukuumada Puntland , Issimo , saraakiil Ciidan iyo dadweyne fara badan.
Madaxweynaha maamulka Jubaland Axmed Maxamed Islaan Axmed Madoobe iyo Madaxweynaha Koonfur Galbeed Shariif Xassan Sh Aadan ayaa waxaa ay ka qayb geli doonaa Shirka wada tashiga wejigisii labaad oo ka dhacay Garoowe waxaan looga doonaa arrimaha Federaalka iyo hiigsiga 2016 iyo halka loo dhaqaaqayo haddii 2016 ay wax doorasho ah ay ka dhici waydo Soomaaliya.
M_M_Deeq
Halgan.net