Madaxweyne Gaas oo Shirar Muhiim ah la leh qaybo ka mid ah madaxda Afrika.[Masawiro]

April 22, 2015 - Written by Editor

2Addis:-Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo weli ku sugan dalka Ethiopia ayaa kulamo gooni gooni ah la qaatay madax sare oo ka tirsan wadamada Qaaradda Afrika oo dalkaasi uga qeyb-galay shir muhiim ah oo looga hadlayey arrimaha amaanka ee geeska Afrika.

Masuuliyiinta uu la kulmay Madaxweyne Gaas waxaa kamid ahaa Madaxweynaha Uganda Yoweri Museveni, Ra’iisul-wasaaraha Dalka Ethiopia Hailemariam Desalegn, Wasiirka arrimaha dibeda Dawladda Kenya Aamina Maxamuud, Wakiilka midowga yurub ee Soomaaliya Michele Cervone D’urso iyo wasiirada arrimaha dibedda ee dalalka Rwanda,Ethiopia,Tanzania iyo Botswana.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa madaxda uu la kulmay kala hadlay sidii laysaga kaashan lahaa adkaynta amaanka geeska afrika loona soo afjari lahaa kooxaha argagixisada sida Al-qaacida iyo urur diimeedka Al-shabaab.

Horumarka iyo Nabad-gelyada kajirta Puntland ayuu u sharaxay Madaxweynuhu masuuliyiinta uu la kulmay , waxaana uu ka dalbaday in ay dhinacooda ka qey-qaataan iyagoona dalka ka samaysanaya maalgashiyo caalami ah kana taageeraya dhinac walba.

Kulamadii kala duwanaa ee uu Madaxweyne Gaas la qaatay dhammaan madaxda uu la kulmay waxaa ay ku soo dhammaadeen guul, is afgarad iyo jawi dagan, waxaana si wadajir ah loogu wada balamay in meel looga soo wada jeesto cadowga geeska Afrika oo ay ugu horeeyaan kooxaha xagjirka ah.

no images were found

-DHAMMAAD-
Xafiiska Warfaafinta, Wayigelinta, Hiddaha Iyo Dhaqanka ee Madaxtooyada Puntland.

Leave a comment

*

Archives
April 2015
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
27282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online