Madaxweyne ku xigeenka PL Eng.Cabdixakiin Camey oo qaabilay wefdi ka socday QM iyo Midowga afrika.[Masawiro]

April 18, 2015 - Written by Editor

1Garoowe:-Madaxweyne ku xigeenka Dawladda Puntland Eng.Cabdixakiin C/llaahi Xaaji Cumar Camey ayaa maanta oo ay taariikhdu tahay 18-4-2015 aqalka madaxtooyada dawladda Puntland ee Garoowe ku qaabilay wefdi balaaran oo ka socday xarunta Qaramada midoobay ee magaalada New York oo ay wehliyeen madax ka socotay Midowga afrika .

Kullan gaar ah oo Madaxweyne ku xigeenka Dawladda Puntland Eng. Cabdixakiim Camey la qaatay madaxdaasi ayaa waxaa ay uga wada hadleen howlgalada ka socda guud ahaan dalka ee lagula dagaalamayo koox diimeedka Ururka Al-shabaab, dhibaatooyinka kooxda Al-shabaab ka geytaan geeska afrika , ka hortaga Tahriibta, la dagaalanka burcad badeeda , Kalluumaysiga sharci darada ah ee jariif layaasha shisheeye ay ka geytaan xeebaha dalka Soomaaliya iyo qodobo kale oo muhiim ah.

Madaxweyne ku xigeenka Dawladda Puntland Eng. Cabdixakiim Cabdullaahi Cumar Camey ayaa soo bandhigay guulaha waaweyn ee dawladda Puntland ka gaartay la dagaalanka xagjirka tan iyo markii ay soo caga dhigteen Puntland, waxaana uu shaaca ka qaaday in ciidamada Puntland guulo lama ilaawan ah ay ka gaareen dhammaan dagaaladii ay la galeen koox diimeedka Ururka Al-shabaab oo ku dhuumaalaysta qeybo kamid ah buuralayda Galgala.

Madaxweyne ku xigeenka Dawladda Puntland Eng. Cabdixakiim Cabdullaahi Cumar Camey ayaa sidookale tilmaamay in xukuumadda Puntland dadaal dheeri ah hada ugu jirto sidii dib udajin loogu samayn lahaa dadkii ka barakacay magaalada Galgala iyo deegaanada hoostaga oo gebi ahaanba dawladdu kala wareegtay ururka argagixisada ah ee Al-shabaab oo muddo halkaasi gacanta ku hayey, dhinaca kalana waxaa uu ka digay howlgalada hada socda iyo khataraha hada taagan.

Madaxweyne ku xigeenka ayaa sidookale sheegay in muhiim in la taageero ciidamada Puntland ee dagaalka ku jira kooxdaasi islamar ahaantaana la taakuleeyo dadweynaha degan deegaanada ay dagaaladu ka dhaceen.

Waxaa si wadajir ah laysula gartay in si weyn looga feejignaado dhaqdhaqaaqa ay samaynayaan kooxaha xagjirka ah oo marba marka ka dambeeya awoodoodu ay sii yaraanayso lagana qabsanayo inta badan deegaanada iyo degmooyinka ay gacanta ku hayaan ee guud ahaan dalka Soomaaliya.

Joojinta Tahriibta iyo ladagaalanka kooxaha shisheeye ee sida sharci darada ah uga kaluumay sanaya xeebaha dalka Soomaaliya ayaa laysla meel dhigay in meel looga soo wada jeesto sidii loo soo afjari lahaa loogana hortagi lahaa kalluumaysiga sharci darada ah.

Madaxdi ka socotay xarunta Qaramada midoobay ee magaalada New York iyo Midowga afrika ayaa dhankooda dawladda Puntland ugu hambalyeeyey dhammaan guulaha ay dawladdu ka gaartay la dagaalanka kooxda Al-shabaab , islamar ahaan taana balan qaaday in dawladda Puntland ay ka caawin doonaan sugida amniga iyo ladagaalanka kooxda Al-shabaab, iyagoo intaas ku sii daray in ay ka qeyb qaadan doonaan tayeynta ciidamada Daraawiishta, Booliska iyo Asluubta.

no images were found

-DHAMMAAD-
Xafiiska Warfaafinta, Wacyigelinta,
Hiddaha Iyo Dhaqanka ee Madaxtooyada Puntland.

Leave a comment

*

Archives
April 2015
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
27282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online